Xasan Kheyre “Wa aqbalay magacaabida barlamaankana waxaana so dhisi doonaa dawladda ay shacabku leeyihiin”

Kheyre oo maanta madaxweyne Farmaajo u magacaabay Ra’isul wasaaraha Cusub ee dalka ayaa sheegay inuu magacaabistiisa ogolaaday, isla markaan haddii la ansixiyo uu soo dhisi doono dowlad ay iska leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.

 

Xasan Cali Kheyre oo video uu soo duubay so dhigay bartiisa Facebook-ga aka hadlay magacaabida

“Waa ka aqblay Madaxweyne  Maxamed Farmaajo, marka hore waxaan kaaga mahadcelinayaa sida sharafta leh ee iigu magacowda xilka Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyadda Soomaaliya, , waxaana aad ugu faraxsanahay anigoo dalkayga iyo dadkeyga waajibka iga saran ka shaqeyn doon in aan si hufan oo habsami leh kuula shaqeyn doono, waan ogahay inuu yahay xil aad u adag, waan ogahay waddanku inuu joogo meel adag, dadka Soomaaliyeedna ay u ooman yihiin dowlad, waxaan isku dayayaa marka baarlmaanka Soomaaliyeed ansixiyo soo jeedinta madaxweynaha, inaan sida ugu dhakhsiyaha badan kusoo magacaabo dowlad ka tarjumeysa shacabka Soomaaliyeed iyo hadafyada uu madaxweynuhu balbalaariyay anigoo la tashan doona guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynahaba”.

 

Khayere aya ah nin ku cusub masraxa siyaasada dalka , waxaana uu noqonayaa Ra´sal wasaaraha sugaya dhisida xukuumad tayo leh oo shacabka Soomaaliyeed uu arkaan in ay samatabixin u noon karto dalka iyo dadka .

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media