Xarun loo dhisay Ciidanka Ilaalada Xeebaha dalka oo xariga laga jaray

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa xarigga ka jaray Xarun Cusub oo loo dhisay Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Booliska Soomaaliyeed, oo laga hirgeliyey gudaha Dekedda Muqdisho.

Xaruntan Cusub oo ah mid muhiim u ah Ciidanka Booliska iyo ilaalinta amniga xeebaha Soomaaliya, ayaa qayb ka ah dadaallada lagu tayaynayo Ciidanka Booliska, lagu na xaqiijinayo nabad gelyada xeebaha dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa sheegay in Xarunta cusub laga ilaalin doono xeebaha dalka, isla markaana dhismaha Xaruntaas ay gacan ka geysteen Midowga Yurub.

Munaasabadda xarig jarka Xaruntan Cusub waxaa ka qayb galay, Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha Farxaan Cali Axmed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Mahad Maxamed Xasan, Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey, Danjiraha Midowga Yurub, iyo Masuuliyiin kale.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor