Xarun lagu karantiilo dadka uu soo rito Coronavirus oo laga furay G/Mudug

Wasaaradda caafimaadka maamul goboleedka Puntland ayaa magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay xarun loogu talagalay Maareynta iyo Karantiilka dadka looga shakiyo cudurka karoona fayras.

Maamulka gobalka Mudug, maamulka degmada Gaalkacyo iyo isuduwaha Wasaaradda caafimaadka ee gobalka Mudug ayaa ka qayb galay daahfurka xaruntaani caafimaad.

Bulshada deegaannada ku dhaqan puntland ayaa hadal heyntooda ugu badan waxey tahay cudurka karoona fayras iyo amarada kala duwan ee kasoo baxaya maamulka Puntland kuwaas oo shacabka looga digayo inay feejignaan dheeri muujiyaan si looga taxadaro faafida cudurkaan oo dalkeena laga helay.

Dhanka kale wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa xaqiijisay inay jiraan shaqsiyaad looga shakiyay in ay qabaan coronavirus oo ay wasaaradu karantiil ku hayso si loo ogaado xaaladooda caafimaad.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media