Xarun ay ka socotay ololaha Doorashada Somaliland oo la weeraray

Wararka aan ka heleyno Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ee Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas habeenkii xalay aheyd uu ka dhacay weerar geystay khasaaro dhaawacyo ah.

Rag hubeysan ayaa weerarkaas oo loo adeegsaday rasaas xoogan ku qaaday Xarun ay ka socotay ololaha doorashada Somaliland oo ay ku sugnaayeen dad dhowr ah, waxaana halkaas laga maqlay xabbado farabadan oo la riday.

Raggii ka dambeeyay falkaas ayaa goobta si dhaqsi ah uga baxsaday, iyadoona dadka waxyeelada soo gaartay oo shacab ahaa la geeyay Xarun Caafimaad oo ku taalla Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool.

Laamaha amniga Somaliland ayaa weli ka hadlin weerarka lagu qaaday goobta ay ka socotay ololaha doorashada, waxaana la sheegay in Xarunta la weeraray uu xafiis ku lahaa Murashax Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo u tartamaya xubin ka tirsan Baarlamanka Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee saakay la helayo Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidanka Booliska Somaliland halkaas ay Saakay ka wadaan baaritaano kala duwan oo ay ku baadi goobayaan raggii fuliyay weerarkii xalay dhacay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor