Wararka naga soo gaaraya Magaalada Xareerdheere ee Gobolka Mudug ayaa ku warramaya in ay ka taagan tahay Xaalad kacsanaan ah, iyadoo laga cabsi qabo in halkaasi ay ka dhacaan dagaallo u dhexeeya dhinacyo isku haya Maamulka Magaalada.
Xarardheeere oo ka mid ah Magaalooyinkii sanad ka hor laga saaray dagaalamayaasha AS ayaa ah magaalo muddo dheer ay ku taamaysay dowladda Soomaaliya inay gacanta ku dhigto, lagana saaro AS, waxaana 15 sano kadib ay noqotay degmo dadkeedu ay ku hoos-naaloodaan maamulka dowladnimada, balse haatan waxaa laga soo warinayaa xaalado aan wanaagsanayn oo salka ku haya dano siyaasadeed oo gadaal ay ka riixayaan shaqsiyaad u taagan hoggaanka maamulka Galmudug.
Xiisadda saaka ka taagan Xarardheere ayaa timid kadib markii xil ka qaadis lagu sameeyay Guddoomiyihii degmadaasi, oo wararka qaar ay sheegayaan inuu sababsaday kadib markii degmada uu kusoo dhaweeyay Nin musharrax ah oo u taagan Xilka Madaxweynimo ee Galmudug, taasi oo u cuntami waysay Qoor-qoor oo talada maamulka haya.
Guddoomiyaha Xilka qaadista lagu sameeyay ayaa si cad kaga hor-yimid warqadda kasoo baxday wasaaradda arrimaha gudaha Galmudug, waxaana uu sheeegay inuusan u hoggaansami doonin.
Dhanka kale Masuulka Cusub ee loo magacaabay Xarardheere ayaa ah shaqsi si gaar ah ugu dhaw Madaxweynaha talada haya Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, waana masuul dibad-joog ka ah degmada loo magacaabay, maaddaama Guddoomiyihii xilka laga qaaday uu wali maamulka haysto.
“Ma jirto cid xilka iga qaadi karta, madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday waxaa uu wadaa iska horkeenid iyo kicin bulsho” ayuu yiri Guddoomiyaha xilka laga qaaday oo warbaahinta la hadlay.
Xaaladda Magaalada ayaa si weyn looga dareemayaa xiisadda taagan, waxaana sidoo kale laga cabsi qabaa in xiisadu ay isku bedesho dagaal qabiil.
Dadka sida dhaw ula socda Xaaladda Galmudug iyo hardanka u dhexeeya musharrixiinta ayaa ku sifeeyay in xiisaddaan ay masuul ka yihiin labo musharax u taagan xilka Madaxweynanimo ee maamulkaasi, kuwaasi oo la aaminsan yahay inay arrinta hurinayaan, waxaana hadda muuqata in dhinacyada is haya ay labadooda la kala safan yihiin.
Is-qab-qabsiga ka taagan Xarardheere ayaa faa’iido weyn u noqon karta dagaalamaayasha AS, kuwaasi oo sanad ka hor laga faramaroojiyay maamulka degmadaasi, waxaaan ay ku sugan yiiin degmooyin ku dhaw Magaalada, taasi oo keeni karta inay weeraro soo qaadaan.