Saldhigga Ciiddanka Badda ee magaalladda Mombasa ayaa shalay lagu qabtay munaasbad lagu xusuusanayey 56 Askari oo Kenya oo xilliyadii u dambeeyey lagu dilay gudaha dalka Somalia.
Munaasabadaasi waxaa kaloo lagu weynayey 5-guuradii ka soo wareegtay markii ay Ciiddanka Kenya gudaha u soo galeen dalka Somalia bishii October 16-dii ee sannadkii 2011-kii.
Haweeneyda Wasiirka Difaaca Kenya, Raychelle Omamo ayaa sheegtay in guul laga gaaray Hawlgalka Milliteriga ee ay Askarta Kenya ka wadaan gudaha Somalia oo loogu magac daray Operation Linda Nchi.
Waxay intaasi ku dartay insyan Ciiddanka Kenya ka soo bixi doonin Somalia ilaa laga dhamaynayo waxa ay ugu yeertay Cabsida ku soo fool leh Kenya.
“Ilaa Lix kun oo Askar Kenyan ayaa ka hawlgala dalalka Somalia iyo South Sudan”ayey tiri Haweeneyda Wasiirka Difaaca Kenya, Raychelle Omamo.
Dhinaca kale, Taliyaha Ciiddanka Kenya, General Samson Mwathethe ayaa sheegay inay Ciiddamo dheeraad ah geyn doonaaqn Xuduuka Kenya la wadaagto Somalia.
Waxa uu farta ku fiiqay inay Ciiddankaasi sugi doonaa Ammaanka inta u dhexeysa magaallooyinka Mandera iyo Lamu, iyadoo la sameynayo Jid-gooyooyin lagu baarayo Gaadiidka, iyo in loogu hortago Weeraradda Alshabaab iyo Daacish ka geystaan gudaha Kenya, waa sida uu hadalka u yiri.
©Radio Dalsan