Xamse oo la kulmay dhaqaatiir Muqdisho u timid gurmadka dhaawacyada Qaraxyadii Soobe2

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa xafiiskiisa ku qaabilay dhaqaatiir ka socday dalka Jabuuti oo Muqdisho u yimid sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dhaawacyada dadka ay wax yeelladu ka soo gaartay qaraxyadii Al-shabaab ka geysteen isgoyska KM5 29-kii bishii hore.

Dhaqaatiirta oo gaareysa 20, ayaa intii ay ku sugnaayeen Caasimadda Muqdisho, waxa ay ka qeyb-qaateen daaweynta iyo daryeelka dhaawacyada ku jira isbitaallada Muqdisho, iyagoo gacan siinaya dhaqaatiirta Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dhaqaatiirta, dowladda iyo guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti taageeradooda hagar la’aaneed ee ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed xiligan adag.

Xamse oo xusay doorkii muhiimka ahaa ee dowladda Jabuuti ay ka geysatay dowlad-dhiska Soomaaliya, ayaa ku ammaanay sida ay mar walba ugu taagan yihiin gacan qabashada ummadda Soomaaliyeed marxalad walba oo ay ku sugan yihiin.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sii-hayaha Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Maxamed-Rashiid Ibraahim Yuusuf iyo Guddiga Qaranka ee Gurmadka Qaraxii KM5.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor