Xalane ” Weerarada iyo dilalka ka dhaca gobolka waxaan kula xisaabtameyna maamulada degmooyinka”

Gudoomiyaha Gobolka banaadir ahna duqa muqdisho yuusuf xuseen jimcaale  ayaa todobaadkii hore waxa uu soo saaray wareegto lagu xusay in maamulada dagmooyinka lagula xisabtami doono kiisaska amni daro ee ka dhaca dagmooyinka gobolka banaadir.

Talabadaa ayuu u arkay maamulka gobolka banaadir in looga hortagi karo falalka amni daro ee mararka qaar ka dhaca gobolkan banaadir.

Afayeenka maamulka gobolka banaadir C/fatax Cumer Xalane ayaa dalsan u sheegay in maamulka gobolka uu ku howlan yahay dhaqan galinta go,aankaa hogaanka gobolka kasoo baxay.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor