Xal laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Itoobiya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa socdaalkii u horreeyay ku tagay magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya, tan iyo sanadkii 2019 wixii ka dambeeyay oo khilaaf xooggan soo kala dhex galay.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa sheegaya in isu soo dhawaanshaha Madaxweyne Axmed Madoobe iyo dowladda Itoobiya ay ka shaqeeysay dowladda Imaaraadka Carabta.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland ayaa shalay oo khamiis aheyd kulan la qaatay Wasiirka Maaliyadda Itoobiya Ahmed Shidde, Madaxweynaha dowlad Deegaanka Mustafa Cagjar iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladdaasi.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in kulan looga wada hadlay inta uu socday xaaladihii ugu danbeeyay ee dowlad deegaanka Soomaalida iyo arrimaha Jubbaland.

Sidoo kale waxaa uu la kulmay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo uu ka mid yahay Jeneraalka ugu sareeya ciidanka Itoobiya, oo uu kala hadlay arrimaha ciidamada Itoobiya iyo howlgalada ay ka qeyb qaadanayaan ee ka dhanka ah Al-Shabaab ee bilaabanaya deegaanada Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor