Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya oo mas’uul cusub loo magacabay

Qaramada midoobey ayaa Rai Zenenga  u magacawday  Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Isuduwaha Howlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL).

Qoraal kasoo baxay QM ayaa lagu yir “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxa ay u hambalyeynaysaa Ku-xigeenka Ergey Qaramada Midoobay Rai Zenenga oo loo magacaabay Kaaliyaha Xoghayaha Guud ahna Isuduwaha Howlgalka ee Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Liibiya (UNSMIL)”.

Rai Zenenga wuxuu ahaa tan iyo 2014-kii Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM).

Qaramada Midoobey ayaa kaga mahad celisay shaqadii uu kasoo qabtay gudaha Soomaaliya intii uu ka shaqaynaayay, waxaana si gaar ah looga mahadceliyay shaqadii adkeyd ee uu ka qabtay Soomaaliya 5-tii sano ee la soo dhaafay.

“UNSOM waxa ay uga mahadcelinaysaa shaqadii adkeyd ee uu ka qabtay Soomaaliya 5-tii sano ee la soo dhaafay” ayaa lagu yiri Qoraalka QM

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media