Xabad joojintii Suudan ma dhaqanshahay?

Duqeymo badan oo dhanka cirka ah iyo iska horimaadyo ayaa laga soo sheegay dalka Suudaan – taasoo hoos u dhigaysa rajadii laga qabay isku daygii ugu dambeeyay ee xabbad joojinta dalka ay colaaduhu ka jiraan.Xabbad joojin cusub oo todoba maalmood ah ayaa si rasmi ah u bilaabatay 21:45 wakhtiga maxaliga ah ee Sudan.

Balse goob joogayaal ayaa sheegay dagaallo hor leh oo ka dhacay caasimadda Khartoum iyo meelo kale.

Rabshadaha ayaa billowday shan toddobaad ka hor, waxaana ka dhashay loolan dhanka awoodda ah oo u dhexeeya hoggaamiyeyaasha ciidamada caadiga ah iyo koox dabley ah.

Isku dayo dhowr ah oo hore oo lagu doonayay in lagu gaaro hakad waara oo colaadaha ka socda dalka waqooyi-bari ee Afrika ayaa gariiray ama burburay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor