Xabaal wadareed looga shakiyay inay ahaayeen Dad Muhaajiriin ah oo la helay

Dowladda Malawi ayaa waqooyiga dalkaasi ka heshay xabaal wadareed ay ku jiraan haraaga 25 qof oo looga shakisan yahay inay ahaayeen tahriibayaal ka yimid Itoobiya, sida ay booliisku sheegeen Arbacadii.

“Qabrigan waxaa la helay goor dambe oo Talaadadii ah, balse waan xirnay aagga, waxaana biloownay inaan maanta soo saarno, illaa hadda, waxaan helnay 25 mayd,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Peter Kalaya oo la hadlay AFP.

Booliska ayaa waxaa ku wargaliyay dadka tuulada ku nool deegaanka Mzimba oo qiyaastii 250 KM dhanka waqooyi kaga beegan caasimadda Lilongwe, kuwaas oo ka kor dhacay qabriga xilli ay malab kasoo ururinayeen meel kayn ah.

“Waxaan ka shakisanahay inay ahaayeen tahriibayaal sharci-darro ah oo loo waday Koonfur Afrika, iyadoo lasii marinayo Malawi,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Peter Kalaya. Waxa uu intaasi ku daray in caddaymo laga soo ururiyay goobtaasi ay muujinayeen in dadka la dilay ay ahaayeen rag Ethiopian ah oo da’doodu u dhaxayso 25 ilaa 40 sano jir.

Waxa ay boolisku sheegeen in meydadka la soo saaray la dhigay qolka meydadka lagu keydiyo si baaritaan loogu sameeyo.

Malawi, waa marin caan ah oo ay maraan soogalootiga sharci-darfada ah ee ka yimaada Bariga Afrika ee loo tahriibiyo Koonfur Afrika — oo ah waddanka ugu warshadaha badan qaaradda iyo soogalootiga saboolka ah ee ka imanaya meelo kale oo qaaradda ah.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor