Xaaska Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku geeriyootay Dalka Kenya

Alle ha u naxariistee Waxaa dalka kenya ku geeriyootay Raxmo Maxamuud Gacal oo ahayd xaaskii madaxwaynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed.

Marxuumad Raxmo Maxamuud Gacal ayaa dhawanahaan ku xanuunsanayd Isbitaal ku yaalla dalka Kenya, waxaana maal mihii ugu dambeeyay laga dayrinayay xaaladdeeda caafimaad.

Dhawaan ayay ahayd markii uu geeriyooday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed ahaa seygeeda, waxaana uu ku geeriyooday isbitaal ku yaalla  isla dalkaasi Kenya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor