Xaasaska Al Shabaab oo lagu amray in ay Balad Xaawo isaga baxaan

Maamulka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku amray xaasaska u dhaxay ragga Al-Shabaab iyo carruurtooda inay isaga baxaan magaalada ka dib markii ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay afduubtaan dadka samafalka ka shaqeeya ee taga nawaaxiga magaalada.

Gudoomiyaha magaalada Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay amarka lagu musaafirinayo xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab ee ku nool Balad Xaawo, wuxuuse ka gaabsday faahfaahin intaa ka badan inuu bixiyo.

Amarkan ayaa markii uu soo baxay waxay Al-Shabaab kaga jawaabeen inay la soo hadlaan ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka kana dalbadaan inay maamulka ku qanciyaan inuu ka laabto go’aankiisa haddii kale ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah.

Ganacsatada iyo Odayaasha deegaanka ayaa kala hadlay maamulka codsiga Al-Shabaab balse waa uu ku gacan seyray inuu ka laabto go’aankiisa maamulka Balad Xaawo.

Al-Shabaab iyana waxay soo saareen go’aan ay ku sheegeen inay ku go’doomiyeen magaalada Balad Xaawo sida ay ka sameeyeen magaalooyin kale oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya taas oo warwar iyo walaac ku beertay dadka deegaanka.

Haddii uu dhaqangalo go’aanka Al-Shabaab waxay ka dhigantahay in marinada kaliya ee hadda kadib Balad Xaawo wax uga imaan karaan ay tahay magaalada xadka Kenya ku taala ee Mandheera iyo dhinaca dalka Itoobiya.

BBC SOMALI

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor