Qiyaastii afar kun oo Qaxooti Soomaali ah ayaa xaallado qalafsan ku haysataa Caasimadda dalkaasi ee Sanca, waxayna xaalladooda sii xumaadeen, markii uu dagaal ka dhex qarxay Maleeshiyadda Xuutiyiinta iyo Ciiddanka Dowladda ay QM taageersan tahay ee Madaxweyne C/rabbu Mansuur Haadi.
Qaxootigaasi waxaa soo food saartay saboolnimo, shaqo la’an, ma haystaan guryo lacag la’aan, ma helaan Tas-hiilaad Caafimaad.
Badankooda waxay la hardamaan sidii ay isaga bixin lahaayeen Kiradda qolalka aan caafimaadka lahayn, halka qaar ka mid ah Qoysaskaasi awoodaan inay iska bixiyaan iyo inay si wadajir ugu seexdaan qolalka yaryar.
Madaxa Qaxootiga Soomaalida ku nool magaalladda Sanca, C/raxmaan Al-zeylici oo la hadlay Wakaalladda Wararka REUTERS ayaa sheegay inaysan Qaxootiga Guryo lacag la’aan ah ama Gabaad ku haysanin magaalladda Sanca.
C/raxmaan Al-zeylici oo ku-dhawaad 16 sanno ka hor tegay dalka Yemen ayaa tilmaamay in inta badan dadka Yemiyiintau diidaan Qaxootiga Soomaalida inay ka kireeyaan qolal ama guryo, sababtuna tahay Qaxootiga oo aan awoodin inay iska bixiyaan Kharajka Kirada.
Qaxootiga oo wejiyadooda laga dareemayo murugo iyo nolol saboolnimo waxay ku nool yihiin Xaafadda Al-safiyah ee K/bari ee Sanca.
Waxay ku qanacsan yihiin Xarun Yar oo Caafimaad oo ku taalla Deegaankaasi oo ay taageerto Hay’adda QM ugu qaabilsan Qaxootiga (UNHCR).
“Tan iyo markii uu bilowday Dagaalka Yemen bishii March ee sannadkii hore, waxaan taageero dhaqaale hal mar ka helnay Hay’adda UNHCR bilowga snndka” ayuu yiri Madaxa Qaxootiga Soomaalida ku nool Sanca, C/raxmaan Al-zeylici.
Waxa uu intaasi ku daray in qoyska la siiyo 150-Dollar, iyadoo qofka keligiisa nool la siiyo 50-Dollar.
Dhinca kale, qiyaastii 200,000 oo Qaxooti Soomaali ayaa ku nool dhowr magaallo oo ku yaalla dalka Yemen, sida lagu sheegay Tiro-koobkii ugu dambeeyey ee UNHCR sannadkii 2015-kii.
Hay’adda UNHCR waxay sheegtay inay in ka badan 26,000 oo Qaxootiga Soomaali ka soo carareen Dagaalladda Yemen, kuwaasi oo dib ugu soo laabtay Somalia, gaar ahaan magaalladda Muqdisho.
©Radio Dalsan