Xaaladda Magaalada Laascaanood oo Maanta kacsan iyo Goobaha Ganacsiga oo la xiray

Wararka laga helayo magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in mar kale halkaas ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado watay, oo lagu dilay qaar kamid ah dadka deegaanka magaaladaas oo kasoo horjeeday dilalka dhacaya.

Dadweyne farabadan oo kamid ah kuwa degaanka ayaa maalintii saddexaad oo xiriir ah Laascaanood ka dhigay banaanbax ballaaran oo ay uga horjeedaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka aqoonyahanka ah ee kunool magaalada.

Intii ay socdeen banaanbaxyada Laascaanood ayaa ciidamada Somaliland gaar ahaan kuwa Booliska rasaas ku dileen dad shacab ah oo u badan dhallinyaro, halka qaar kalena ay falkaas ku dhaawacmeen, isla markaana waxaa la dhigay Isbitaalo, si loogu daaweeyo.

Dhinaca kale Suuqyada iyo xarumaha Ganacsiga ee ku yaalla magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ayaa gebi ahaanba saaka oo khamiis ah xiran, waxaana aad  u kacsan xaaladda magaalada,  sida lasoo weriyey.

Mas’uuliyiin xilal ka haya Maamulka Somaliland oo ka soo jeeda Gobolka Sool ayaa sidoo kale ku wajahan magaalada, si ay u dejiyaan xaaladda cakiran ee ka taagan Laascaanood. Falalka amni darrada sida dilalka qorsheysan ayaa kusoo batay gudaha magaaladaas..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor