Madaxweynihii hore ee dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa warar la helayo waxaa ay sheegayaan in maalmaha soo socda ee todobaadkaan uu safar gaari doono Magaalada Dhuusamareeb.
Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo maalmo kahor gaaray Gaalkacyo ayaa kulan la qaatay Xaaf, iyagoona kala hadlay Arrimo la xiriira dib u heshiisiin iyo xalinta Cabashada uu ka qabo Doorashadii uu kusoo baxay Madaxweyne Qoorqoor.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Xildhibaanada ay Axmed Ducaale Geelle Xaaf ka dalbadeen inuu ka qeyb galo Munaasanadda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isla markaana uu xilka ku wareejiyo.
Guddoomiyaha Guddiga Munaasanadda Caleema-saarka Qoorqoor Yuusuf Garaad Cumar ayaa dhawaan Xaaf kulan la qaatay, iyagoona xiligaas ka wada hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan Galmudug iyo waxyaabihii horey soo loo maray.
Si kastaba Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la filayaa in markii uu tego Dhuusamareeb uu kulan la qaato Madaxweyne Qoorqoor, iyagoona ka wada hadli doona Arrimo kala duwan oo ku aadan dhameynta Cabshooyinka jira iyo sidii dib u heshiisiin loo sameyn lahaa.