Wufuud kusii qul-quleysa Magaalada Garoowe iyo ujeedka safarkooda

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland ayaa waxaa kusii qul-qulaya wufuud kala duwan oo ka qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hirata goo markii horreysay lagu qabanayo dalka Soomaaliya.

Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle iyo xubno la socday ayaa Goordhow gaaray Magaalada Garoowe, waxaana kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland.

Musharax Geelle ayaa kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha ee lagu casuumay Shirka Madasha Aragti Wadaagga oo ka qeyb galayan Guddoomiyeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiin kala duwan.

Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa duhurnimadii Maanta si kala gooni ah u gaaray Magaalada Garoowe, iyaga oo ay la socdeen Xildhibaano badan.

Ajandaha shirka sanadkan ayaa waxaa uu yahay mid diiradda lagu saari doono Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.

Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ay gaaraan wufuud kala duwan oo kamid yihiin Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno kale oo ka qeyb galaya Shirka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media