HomeWararWufuud hor leh oo Maanta soo gaaray Muqdisho iyo soo dhaweyn loo...

Wufuud hor leh oo Maanta soo gaaray Muqdisho iyo soo dhaweyn loo sameeyay

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Wafuud ka socota dalalka Afrika iyo dalalka kale ee dunida oo doonaya in ay ka qeybgalaan Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ferderaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaraya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka jira saxmad xooggan oo ku aadan soo dhaweynta Wafuuda sida isdaba joogga ah usoo gaaraya Muqdisho, waxaana […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wafuud ka socota dalalka Afrika iyo dalalka kale ee dunida oo doonaya in ay ka qeybgalaan Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Ferderaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo gaaraya magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ka jira saxmad xooggan oo ku aadan soo dhaweynta Wafuuda sida isdaba joogga ah usoo gaaraya Muqdisho, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweynayaya Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.

- Advertisement -

Mas’uuliyiinta yimid Muqdisho ayaa waxaa ku jira Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah Barlamaanka dalka Kenya ahna guddoomiyaha degmada Kaamkuuji ee Xaafada Islii iyo qaar ka mid Ganacsatada xaafada Islii, kuwaasi oo ka qeyb galaya Xaflada Caleema-saarka.

Sidoo kale wufuuda soo gaartay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa ku jiray Wafdi ka socday Uturka ONLF oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ururkaas Cabdiraxmaan Maadeey, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Wasiirka Amniga iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee dowladda Federaalka.

Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu wadaa inay ka dhacday Magaalada Muqdisho maalinta berri oo khamiis ah, waxaana ka qeyb geli doona Madax farabadan oo la casuumay.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts