HomeWararWiil Dhalinyaro ah oo Tooreey Caawa lagu dilay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Wiil Dhalinyaro ah oo Tooreey Caawa lagu dilay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Date:

Related stories

William Ruto oo Farriin Xamaasad leh u diray Harambee Starlets ka hor Kulanka Australia

Madaxweyne William Ruto ayaa farriin muuqaal ah oo dhiirrigelin ah u diray xulka haweenka Kenya ee Harambee Starlets, kuwaas oo maanta wajahaya xulka awoodda badan ee Australia. Maqaalkan ka akhriso nuxurka farriinta Madaxweynaha, ujeeddada ka dambaysa taageerada dowladda iyo rajada laga qabo kulanka weyn ee ka dhacaya garoonka Nyayo.

Sirta ka dambaysa Guusha aan Duugoobin, Maxay dhalinyarada maanta ku qaldamaan

Maqaalkani wuxuu ka hadlayaa caqabadda ugu weyn ee haysata dhalinyarada maanta, taas oo ah rabitaanka guusha degdegga ah iyada oo aan la dhisin aqoon qoto dheer. Iyada oo loo marayo sheeko xikmad leh, waxaad ku baran doontaa sababta samirka iyo barashada aasaasiga ah ay u yihiin hubka kaliya ee qofka ka dhigi kara mid guulaysta oo waara.

Mombasa: Maxay yihiin kooxaha ugaadhsanaya haweenka iyo carruurta

Magaalada Mombasa ayaa hadda wajahaysa mid ka mid ah xaaladihii ugu adkaa ee ammaan darro, ka dib markii ay kordheen kiisaska afduubka iyo dilka loo geysto haweenka iyo gabdhaha. Warbixin ay soo saareen ururada xuquuqda aadanaha ayaa muujinaysa xog naxdin leh oo ku saabsan gabdho iskuuley ah iyo carruur yaryar oo si qarsoodi ah looga afduubtay magaalada,

Somalia Dismisses Former Opposition Figure from Immigration Post After Four Months

Somalia’s Council of Ministers has removed Mustafa Dhuxulow as head of the Immigration and Citizenship Authority and appointed Hussein Khaasim Yusuf as his replacement. The cabinet also passed a general amnesty law and promoted a new ambassador.

Last Shilling Standing: Mogadishu Traders Turn Their Back on Somalia’s Worn-Out Currency

Parts of Mogadishu have effectively sidelined the Somali shilling, with traders and public transport operators refusing to accept the country’s last circulating banknote. The move has disrupted daily life for low-income residents and intensified pressure on the government to fast-track a long-delayed currency reform.

Dilka wiilkaan dhalinyarada ah oo loo adeegsaday Toorey(Midi) ayaa waxaa uu Caawa ka dhacay Xaafada Dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid sida ay Dalsan u sheegeen dad goobjoog ka ahaa xilliga dilka uu dhacayey.

Dilka ayaa yimid kadib markii Wiilka Dhalinyarada ah uu eryaday rag burcad ah oo dadka ku nool Xaafada Dabaqeynka ay badi Caawa eryanayeen balse Tuugada oo sida la sheegay laba rag ah ahaa ay kusoo jeesteen Wiilka,kadibna ay tooreey la dhaceyn.

Mid ka mid ah dadka degan Xaafada dabaqeynta ee degmada Yaaqshiid,isla markaana goobjoog ka ahaa dhacdadaas ayaa sheegay in Wiilka dhalinyarada ah oo Magaciisa lagu sheegay Mascuud uu u geeriyooday dhaawac ay tooreyda ugu geysteen kooxihii burcada ahaa.

Wararka ugu dambeeya aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in labadii qof ee burcada ahaa ee tooreyda ku dilay Wiilka dhalinyrada ahaa ay baxsadeen,isla markaana dadka degan xaafada aysan ku guuleysan in ay gacanta kusoo dhigaan.

Dhacdooyinka noocaan oo kale ah ayaa mararka qaar waxa ay ka dhacaan degmooyinka Gobolkan Banaadir wallow aysan aheyn kuwo saas u badan,waxana tani ay kusoo aadeysaa xilli dadka ku nool Xaafada dabaqeynka ee degmada Yaaqshiid ay ka cabanayeen kooxo burcad ah oo mararka qaar dhac u geysta.

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories