Wiil Dhalinyaro ah oo lagu dilay Jowhar

Wararka nagasoo gaaraya magalada Jowhar ee Xarunta Maamulka Hir–Shabeelle ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ah Shacabka Jowhar.

Xilliga dilka uu dhacayay ayaa waxaa socotay qeybinta deeq raashin ah oo sandada Cumaan ugu talo gashay Shacabka Soomaaliyeed ee Soomaan taas oo ay socotay qeyninteeda.

Qof ka mid ah Shacabka Jowhar ayaa Dalsan u sheegay in raashinkii la qeybinayey badankiis ay qaateen ciidamadii ilaalada ka ahaa,isla markaana ay dileyn Xasan Maxamed Xasan oo dhalinyarada Jowhar kamid ahaa.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe kama hadlin dilkaas,waxaana lagu soo waramayaa in raashinkii ay ciidamadu qaateen badi lagu arkay Suuqyada Jowhar.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor