Weriye C/maalik Coldoon oo dib u helay xuriyaddiisa

Waxaa maanta oo Sabti ah taariikhduna ku beegantahay 6/6/2020 dib xuriyaddiisa u helay Weriye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo in mudda ah ku xirnaa Xabsi ku yaalla magalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

C/maalik Muuse Coldoon ayaa muddo sanad ka badan u xirnaa xukuumadda Soomaaliland waxaana sii deyntiisa ka qeyb qaatay Siyaasiyiin uu ka mid yahay Faysal Cali Waraabe iyo masuuliyiin kale,iyada oo horay bahda Warbaahintu ay u muujisay dareenkooda ku aaddan sida ay uga xunyihiin xarigga Weriyaha.

Xukuumadda Somaliland ayaa horay xukun ugu ridday Weriye samafale C/maalik Muuse Coldoon,Ururada u dooda xuquuqda aadana ayaa soo dhaweeyay sii deynta Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media