HomeWararWejigii saddexaad ee wada-hadallada Xukuumadda iyo Mucaaradka Somaliland oo qabsoomay

Wejigii saddexaad ee wada-hadallada Xukuumadda iyo Mucaaradka Somaliland oo qabsoomay

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Xarunta Madaxtooyada Somaliland ka qabsoomay wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Mucaarad ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI. Shirkaasi ayaa lasoo weriyey inuu ku furmay jawi wanaagsan, waxaana goob-joog ka ahaa labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdirisaaq Khaliif […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Xarunta Madaxtooyada Somaliland ka qabsoomay wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Mucaarad ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Shirkaasi ayaa lasoo weriyey inuu ku furmay jawi wanaagsan, waxaana goob-joog ka ahaa labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

- Advertisement -

Waxaana shirka furay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan (Saylici) iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi,

Intaa ka dib dhinac-walbaaba ayaa waxaa uu soo jeediyey doodda uu qabo, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeenku.

Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho, iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo  ka kala socda saddexda xisbi ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts