Wefdi ku wajahan deegaano ka tirsan Galmudug

Wararka ka imaanaya deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qaban qaabada soo dhaweynta madaxweynaha Galmdug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo wefdi uu hogaaminayo.

Wefdi hordhac u ah safarka madaxweynaha Galmudug ayaa gaaray deegaanka Balanbale ee gobolka Galgaduud waxaana la adkeeyay ammaanka waddooyinka soo gala magaalada iyo kuwa ka baxa.

Madaxweynaha Galmudug ayaa markii uu gaaro deegaankaas waxaa lagu wadaa in uu la hadlo bulshada si gaarana ula kulmo odayaasha dhaqanka ee deegaanka Balabale isla markaana ka xog wareysto baahiyaha ka jira deegaanka.

Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor ayaa muddooyinkii dambe socdaal dhinaca dhulka ah waxa uu ku kala bixinayay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug gaar ahaan gobolada Mudug iyo Galgaduud oo uu booqashooyin ku kala tegay lana kulmay bulshada.

Comments
Loading...