Wefdi ka socda DFS oo ku wajahan Magaalada Gaalkacyo iyo kulamo ka furmaya

Wararka Idacaada dalsan ee magaalada Muqdisho ay ka helayso magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas saacadaha soo socda ay gaari doonaan wefdi heer sare ah oo ka socda dowladda Soomaaliya.

Wfdigaan uu hogaaminayo guddoomiyaha guddiga Dastuurka ee labada aqal ee baarlamaanka Sanotor Cabsi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa kulamo la qaadanaya madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Warar soobaxaya ayaa sheegaya in wefdigaan ay ku jiraan Xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqan oo kasoo jeeda deegaanada maamulka Galmudug.

Socdaalka Masuuliyiintaan ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ay jireen wadahadlo loogu gogol xaarayo dhamaynta khilaafka ka dhashay doorashadii madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoo qoor iislamarkaana laga dalbaday xaaf in uu ka tabnaaslo arrimaha doorashada oo markii hore uu cadeeyay mowqifkiisa.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media