Wefdi heer sare ah oo ku wajahan Magaalada Kismaayo

Magaalada Kismaayo waxaa maanta ku wajahan wefdi ka socda beesha Caalamka kuwas oo kulamo la soo yeelan doona madaxweynaha mamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Wakiilka QM u qaabilsan arrimaha Somalia James Swan iyo wefdi uu hogaaminayo ayaa la filayaa saacadaha soo socda in ay ka degaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.

Waxaa fashil ku soo dhamaaday kulamo saacadihii la soo dhaafay dhex maray saraakiil ka kala socotay sirdoonka Itoobiya Ururu gobaleedka IGAD iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Dowladda Somalia ayaa sheedda ka eegeysa arrimaha doorashooyinka Jubbaland iyada oo qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somalia lagu sheegay in aysan aqoonsan doonin natiijo kasta oo baal marsan shuruucda doorashooyinka kana soo baxda doorashada Kismaayo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media