Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Saldhig ay leeyihiin Ciidamada Jabuuti

Warar dheeraad ah ayaa baxaya weerar madaafiic loo adeegsaday oo lagu qaaday Saldhig  Ciidamada Jabuuti ay qeybta ka ah Howlgalka AMISOM ku leeyihiin Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan

Waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Jabuuti ee Gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa waxa ay Dalsan u sheegeen in Ciidamada Jabuuti ay dhankooda ugu jawabeen Al-Shabaab madaafiic taas oo aan ilaa iyo hadda la ogeyn khasaraha ka dhashay.

Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda weerarkii Madaafiicda ahaa ee lagu qaaday Saldhiga Ciidamada Jabuuti,iyagoona sheegay in ay ku dileen 5 askari,halka 12 kalena ay ku dhawacmeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media