Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday Safaarad uu leeyahay Mareykanka

Saddex madfac ayaa gelinkii dambe ee shalay lagu weeraray dhismaha safaaradda Mareykanka ee Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa kusoo warrantay in mid kamid ah madaafiicdaas uu ku dhacay maqaaxi ku taala gudaha dhismaha safaaradda, halka labada kalena ay ku dhaceen meel aan sidaa uga fogeyn.

Sidoo kale Reuters oo soo xiganeysa ilo dhanka ammaankaa ayaa sheegtay in saddex qof ay ku dhaawacmeen, waxaana ay noqoneysaa markii ugu horeysay oo shaqaale katirsan safaaradda Mareykanka ee dalkaas ay ku dhaawacmaan weerar noocan oo kale ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weeraradaas, haseyeeshee Dowladda Mareykanka ayaa ku eedeysay kooxaha taabacsan Iran ee ka dagaalama gudaha dalka Ciraaq.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq, Adel Abdul Mahdi ayaa cambaareeyay weerarka, wuxuuna sheegay in sii socoshada falalka noocan oo oo kale ay dalka Ciraaq ka dhigeyso goob dagaal.

Dowladda Mareykanka ayaa dhiggeeda Ciraaq ugu baaqday in ay gudato waajibaadkeeda ah ilaalinta diblomaasiyiinta Mareykanka ee ku sugan dalkaas.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media