Wararka naga soo gaaraya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in kooxo hubeysan ay dil iyo dhaawac u geysteen dad u dhashay Qowmiyadda Oromada ee ku sugan boosaaso.
Kooxaha hubeysnaa ayaa rasaas ku furay dadkaasi oo ku sugnaa Xaafada Saantoos ee Magalada Boosaaso,sida ay sheegeen Wariyeyaal ku sugan Boosaaso.
Inta la xaqiijiyey saddex ruux oo qowmiyadda Oromada ayaa geeriyooday halka laba kale ay dhaawacmayeen.
goobta weerarkaan lagu qaaday Qowmiyadda Oromada uu ka dhacay ee Magalada Boosaaso ayaa u dhow dekadaMagalada boosaaso,waxana la sheegay in ragga weerarka soo qaaday ay rasaas isweeydaarsadeen.
Wararka ugu dambeeya ee haatan naga soo gaaraya Boosaaso ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada Booliska Puntland ay wadaan howlgallo baaritaano ah,iyada oo dadkii weerarkaas ka dambeeyey ay baxsadeen.