Weerar khasaaro geestay oo ka dhacay degmada Balcad ee G/Shabeellaha Dhexe

Wararka aan ka heleyno degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi tuulooyin hoostaga uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulka degmada Balcad iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dhacay deegaanka lagu magacaabo kala wareega halkaas oo ay fariisin ku la haayeen ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Balcad,waxana dagaalku uu dhacay xili ay ciidamadu howlgal amni xaqiijin ah halkaasi ka wadeen.

Inta la xaqiijiyay dagaalkii dhex maray labada dhinac ayaa waxaa la sheegay in ay ku geeriyooden laba skari oo ka tirsan Ciidamada Maamulka degmada Balcad sida ay noo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Xiriir aan la sameynay Gudoomiye ku xigeenkad ahnka amniga ee Mamulka degmada Balcad Abuukar Adan Codeey,Nabadoonka ayaa waxa uu sheegay in dagaalka uusan u dhaxeyn Ciidamada Maamulka degmada Balcad balse uu u dhaxeeyay Kooxo Burcad ah iyo Al-Shabaab.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media