Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada kenya qaraxa khasaaro geestay lagula eegtay qeybo kamid ah degmada Baardheere.
Qaraxaan oo ah Miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Tarako,waxana ciidamadu xiligaas ay ku jireen Biyo ay ka dhaansanayeen War ku taalla halkaas waxana intaas kadib ay fureen rasaas farabadan in kastoo aan la shaacin in ay khasaaro geysatay.
Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in uu burbur xoogan soo gaaray mid ka mid ah Gawaarida ciidamada kenya oo ay Miinadu la qaraxday,bale majiraan wax khasaaro ah oo gaaray ciidamada kenya ee qaraxa la kulmay.
Al-Shabaab ayaa Baraha ay intarnetka ay ku leeyihiin waxa ay ku shaaciyeen in qaraxaas ay iyaga ka dambeeyen islamarkaana ay ku dileen Ciidamo ka tirsan dowladda Kenya.
Saraakiisha Ciidamada dowladda kenya ee ciidamadaas la socday wax faah faahin ah kama bixin kharaxaasi loo dhigay,waxayna Ciidamadu dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen.