Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo saakay deegaanka deynuunaay ee gobolka Baay ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid kadib markii Al-Shabaab ay weerareen fasriisinka ciidanka dowladda iyo kuwa kooonfur Galbeed ku leeyihiin deynuunaay ee duleedka Magalada Baydhabo.
Dadka deegaanka qaarkood oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in uu jiro khasaaro labada dhinac kala gaaray, waxaana la xaqiijiyey in ilaa Saddex askari ay ku geeriyoodeen dagaalkaas oo ka tirsan Ciidamada dowladda.
Saraakiil ka tirsan ciidamada maamulka koonfur Galbeed oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dagaalkaas.
Wararkii u dambeeyey ee nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in xaaladu ay degan tahay isla markaana ay ku sugan yihiin ciidanka dowladda iyo kuwa koonfur Galbeed deegaanka deynuunaay.