Weerar iyo qaraxyo ka dhacay Bariga Sacuudiga

Dabley hubeysan oo tiradooda dhamayd 4 qof ayaa la sheegay inay weerareen Bar Kontorool oo ay Ciiddanka Ammaanka ku lahaayeen Bariga dalka sacuudiga, una dhow xuduudka dalalka Baxrayn iyo Kuwayt.

Telefishinka Alarabiya ayaa sheegay in la dilay 2 ka mid ah dableyda, halka 2  kalena nolol lagu qabtay, iyadoo 3 ka mid ah Dableydaasi ay ku jireen Liiska Eedeysanayaal la baadi-goobayey oo ka soo jeeda Gobalka Al-qatif ee dalkaasi.

Dhinaca kale, Diyaaradaha Dagaalka ee Isbahaysiga Sacuudiga ayaa la sheegay inay duqeeyeen Dhismooyin ku yaalla caasimadda dalka Yemen ee Sanca oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta gacanta ku hayaan.

Ugu yaraan 11 qof oo rayid ah oo ay ku jireen Arday iyo carruur ayaa lagu dilay duqeyntaasi, halka 39 kalena lagu dhaawacay

Ilo dhinaca Isbitaaladda oo la hadlay wakaalladda Wararka AP waxay tirada dhimashada gaarsiiyeen 13 qof oo ay ku jireen 7 carruur ah , iyadoo in ka badan 100-kalena lagu dhaawacay.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media