Weerar Caawa ka dhacay Magalada Baydhabo iyo khasaaro ka dhashay

Wararka Caawa naga soo gaaraya Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in mid ka mid ah koontoroolada laga soo galo Magalada Bambaanooyin lagu weeraray.

Wariyaheena Magalada Baydhabo ayaa soo sheegaya in Koontoroolka Waqooyi ee Magalada Baydhabo ee loo yaqaano Onaska oo ay Ciidamada Ammaanka ay Gadiidka ku baaraan bambooyin lagu tuuray.

Inta la xaqiijiyay 4 Ruux ayaa bambaanooyinkaas ku dhaawacantay oo Saddex ka mid ah ay yihiin Ciidamo booliska ee koontoroolkaas Gaadiidka ku baarayay.

Dadkii ka dambeeyay Weerarka bambaano ayaa goobta ka baxsaday,waxaaana haatan socda howlgal ay wadaan Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed,kaas oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay weerarkaas.

Shalay gelinkii dambe ayaa waxaa bambaanooyin lagu weerar Hoyga uu Magalada Bayhabo ka degan yahay Xildhibaan hore uga tirsanaa Baarlamaankii KMG ahaa.

Magalada Baydhabo ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor