Wararka Caawa ka imaanaya Magalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in Caawa halkaasi lagu dhaawacay Garsoore ka tirsan Maxkamada Sare ee Maamulkaas.
Rag la sheegay inay ku hubeysnaayeen bustoolado ayaa weeraray Garooraha oo lagu Magacaabo Siciid Cabdi Muumin ,waxaana dad ku sugan Boosaaso ay sheegeen in weerarkaas uu dhaawac fudud ka soo gaaray.
Mid ka mid ah Gacmihiisa ayaa la sheegay in rasaastii ay ku fureen kooxaha hubeysnaa ay kaga dhacday,sial markaana mid ka mid ah isbitaalada Boosaaso la geeyay.
Ciidamo ka tirsan Booliska Puntland ayaa tegay Goobta lagu dhaawacay Garsoore Siciid Cabdi Muumin,sidoo kjalena la sheegay in uu ka mid yahay Guddiga sare ee Garsoorka Puntland