Weerar Bambaano ah oo Caawa lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha Degmada Dayniile

Waxaa Caawa kooxo hubeysan weerar bambaano ah ay ku qaadeen Guriga uu Muqdisho ka degan yahay Guddoomiyaha Degmada  Dayniile ee Gobolka Banaadir Maxamed Abuukar Jacfar.

Dad goobjooogayaal ah ayaa waxa ay inoo sheegeen in kooxda weerarka soo qaaday iyo Ilaalada Guddoomiyaha uu dhexmaray iska horimaad toos oo muddo daqiiqado ah socday,waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan hal ruux oo gabar ah ayaa ku dhimatay,halka laba kale ay ku dhaawacmeen weerarka Caawa lagu qaaday Guriga Guddoomiye Jacfar uu ka degan yahay agagaarka Isgoyska dabka dhinaca Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir.

Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Degmada  Dayniile  ee Gobolka Banaadir oo ku aadan Weerarka lagu qaaday Guriga Guddoomiyaha degmadaasi.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media