Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay duleedka Kismaayo

Xubno ka tirsan dagalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay weerar dhabba-gal ah ku qaaday Ciidamo ka tirsan Maamulka Jubbaland oo ku socdaalayay duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka oo khasaaro geystay ayaa waxaa uu ka dhacay halka loo yaqaano Libi Kuus duleedka Kismaayo, waxaana wadada loo galay sida la sheegay gaadiid ay la socdeen Ciidanka Jubbaland.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dagaal kooban uu dhexmaray Ciidanka Maamulka iyo Al-shabaab, waxaana la tilmaamay in Ciidanka Maamulka ay horey u sii wateen socdaalkooda.

Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda qadka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii ka dhacay halka loo yaqaano Libi Kuus duleedka Magaalada Kismaayo ay ku dileen laba Askari oo ka tirsan Jubbaland.

Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay uga hadlayaan weerarkii dhabba-galka ahaa ee ka dhacay Jubbada Hoose, waxaana xusid mudan in weerar maalmo kahor dhacay Afmadow sidaan oo kale lagu dilay Askar kamid aheyd Jubbaland.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor