Way jecel yihiin inay cunaan laakiin waa qaali dadka qaarna ma iibsan karaan (Warbixin)

Xirsiyo Cabdulle Siyaad waa haweeneyda kaliya ee Soomaaliyeed oo leh shirkad horumarisa Mooska iyo beer ay ku tacbato mooska oo ka mid ah miraha ka soo go’a dalkeena, ganacsigeedu waxa uu shaqeynayaa 8 sano ah waxaa loogu magac daray Somfresh fruits and Vegetables.

Shaqaalaha Xarunta waxa ay isugu jiraan kuwa nadiifiyo Mooska, qaar ku raseeyo qolal leh qaboojiyaal oo loo diyaariyay in lagu bisleeyo Mooska, iyo shaqaale ku qaada gawaari si ay u geeyaan qaar ka mid ah goobaha ganacsiga ee soo dalbada sida Ganacsatada yaryar ee iibiya Qudaarta,Maqaayadaha, Suuqyada, iyo qaar ka mid ah Hoteelada Muqdisho.

Isbadalka cimilada iyo roobabka Xagaaga ayaa saameeyay mooska taasi oo keentay in aan moos badan la beerin, mooska magaalada la keeno ayaa u muuqda mid ka duwan kuwii hore waayo beeruhu ma helaan biyo ku filan maadaama lagu jiro xagaa, dhibaatooyin badan oo isbiirsaday ayaa sababay in uu yaraado mooska soo go’ayo.

Xirsiyo Cabdulle Siyaad ayaa xustay “in ay diyaariyaan mooska marka la keeno shirkadda, shaqaaluhu waxay isticmaalaan anti-Bactria, ka dibna waxay dhigaan bakhaar leh  qaboojiyaha badan Shan maalmood ka dib wuu bislaadaa mooska oo waa diyaar, waxa uu noqonayaa moos jaalle ah oo macaan oo qurux badan, waa sababta loogu yaqaano mooska jaallaha ah, halka mooska kalena uu yahay cagaar”.

Xirsiyo Cabdulle oo la hadashay Warbaahinta Bilan ayaa sheegtay in Sicir bararka uu saameeyay Maciishada iyo dalagyada dalka gaar ahaan Mooska, halkii tan ee mooska waxaa lagu kala iibsadaa lacag u dhexeyso $ 90 illaa $ 100 halka markii hore uu ka ahaa $40.

Waxa uu sarakacan sababay in qaar ka mid ah ganacsatadii mooska naga iibsan jirtay ay iska daayaan tusaale ahaan, xabbad moos ah waa 3,000 oo shilin Soomaali ah, waxaa lagu iibin jiray 1,000 shilin Soomaali ah. Dadka qaar ayaa noo sheegay in aysan ku iibsan karin qiimahaas, waxa ay sidoo kale saameyn  ku yeelatay ganacsigeena, shaqadii aan qaban jirnay ayaa hoos u dhacday, sababtoo ah suuq la’aan iyo macaamiil yari,

Soomaalidu aad ayay u jeceshahay cuntista Mooska waliba xiliga qadada iyo waqtiyada caadiga balse waa qaali oo dadka qaar way ku adag tahay in ay iibsadaan.

W/Q Nasriin Maxamed Ibraahim oo ah  Tifaftiraha Guud ee Bilan, oo ah warbaahin ka shaqeyso arrimaha Haweenka oo ay hirgalisay UNDP, ayna marti galiso Dalsan Media Group ee Muqdisho.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media