Waxyeellada daadadka Pakistan ku dhuftay oo isa soo taraya

Wasiir ka tirsan xukuumadda Pakistan ayaa sheegay in daadadka ba’an ee ka dhashay roobabka mahiigaanka ah ee dalkaasi ka da’ ay yihiin musiibadii ugu xumayd ee is beddelka cimiladu uu sababu.

Wasiirka oo lagu magacaabo, Ahsan Iqbal, ayaa sheegay in soddon iyo saddex milyan oo qof ay dadadku saameeyen in ka badan hal milyan oo gurina ay waxyeelo soo gaartay.

Ugu yaraan labo kun labo boqol iyo konton qof ayaa ku dhintay guudahaan dalka Pakistan. Wasiir Iqbal ayaa sheegay in Pakistan aysan haysan dhaqaale ay wax kaga qabato dhibaatada. Saraakiisha mid ka mid ah meelaha ugu daran ee ay dhibaatadu ka dhacday – degmada koonfurta ee Daadu – ayaa sheegay in rubac milyan qof oo kale ay hadda halis ugu jiraan heerka biyaha oo sare u kacaya.

Hay’adaha gargaarka ayaa ka digaya cudurro ka dhasha deegaannada daadadku halakeeyeen. Sidoo kale dadka ku barakacay fatahaadaha ayaan haysan hooy iyo cunto ku filan.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor