• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Monday, May 12, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result
Home Warar

Waxqabadka Dawladda ee Todobaadkii la soo dhaafay+Sawirro

Dalsan Editor by Dalsan Editor
June 25, 2016
in Warar
Reading Time: 10 mins read
A A
0
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Terminal cusub oo lagu kordhiyey Dekedda Muqdisho, Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday danbiilihii dilay Taliyihii Nabad-Sugida ee Sh/Dhexe, Shirkii Madasha Hogaamiyeyaasha Qaranka oo Baydhabo ka qabsoomay, Ciidanka Booliska oo tababar loogu soo xiray Djibouti, Ciidamada Ammaanka oo Howlgal ka sameeyey Suuqa Xoolaha, Dib u dhis lagu bilaabay Wadada Howlwadaag oo roobabku qasaare u geysteen, SONNA oo xafiis ka furatay degmada Kismaayo, Suxufiyiin tababar loo fidiyey kor loogu qaadayo tayada warbaahinta, Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Gaari walxa Qarxa sida iyo Dugsi Sare oo laga hirgeliyey deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud.

Terminal cusub oo lagu kordhiyey Dekedda Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 19kii Juun 2016 xarigga ka jarey terminal cusub oo loo sameeyey Dekedda Caalamiga ee magaalada Muqdisho, kaas oo loogu talagaley fududeynta adeegga dekedda. Terminalkan cusub oo ah nooca loo yaqaan “Dry Port” oo ku yaalla meel ka yara baxsan dekedda ayaa loo adeegsan doonaa in la dhigo dhammaan konteenarada laga soo dejiyo Dekedda Muqdisho, halkaasina lagu marsiin doono nidaamka dejinta ee isugu jirta baarista, sugidda iyo canshuuraha badeecadaha kala duwan. Waxaa Terminalkan cusub uu culeyska ka qaadi doona Dekedda Muqdisho, iyadoo la filayo in sidoo kale ay fududaan doonto muddada dejinta badeecadaha. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u mahad celiyay shirkadda SIMATECH International oo iyadu maalgelisay hirgelinta mashruucan muhiimka ah.

Maxkamada Ciidamada oo xukun ku riday danbiilihii dilay Taliyihii Nabad-Sugida ee Sh/Dhexe

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa 23kii Juun 2016 dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiiglihii dilay Taliyihii Ciidanka Nabadsugidda ee Gobolka Sh/Dhexe. Saraakiisha Maxkamadda Ciidamada oo gaaray magaalada Jowhar ayaa bilaabay dhageysiga dacwadda afar askari oo loo haysto dilkii Taliyaha. Maxkamadda ayaa dil toogasho ah ku xukuntay gacan ku dhiigle Yuusuf Xuseen (Yuusuf Madoobe) oo ah ninki dilay taliyaha kaddib markuu uu maxkamadda horteeda ka qirtay in uu si bareer ah uu u toogtay taliyihii ciidamada nabadsuggida marxuum C/weli Ibraahim. Saddexda eedeysane oo kale ayaa labo ka mid ah waxaa lagu xukumay min labo sano iyo lix bilood oo xabsi ciidan ah, halka midka kalena maxkamada ay sii deysay markii dambi lagu waayay.

Shirkii Madasha Hogaamiyeyaasha Qaranka oo Baydhabo ka qabsoomay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda xubnaha ka ah Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa 23kii Juun 2016 kulan ku yeeshay magaalada Baydhabo oo shirka u bilowday 22kii Juun. Qodobada shirka looga hadley ayaa waxaa ka mid ah hannaanka doorashada 2016, guddiyada doorashada, maalgelinta iyo saadka doorashada, qoondada 30% ee haweenka ay ka helayaan goleyaasha qaranka, amniga iyo waxyaabaha kale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in wax walba ay si habsami ah u socdaan, isla markaana ay madaxda si adag uga hadlayaan wax kasta oo fududeyn kara doorashadan taariikhiga ah ee dalka ka dhacaysa bisha August.

Ciidanka Booliska oo tababar loogu soo xiray Djibouti

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan booliiska Soomaaliya. Munaasabadii xiritaanka tababarkaasi waxaa goob joog ka ahaa taliyaha booliiska Soomaaliya, dhiggiisa dalka Jabuuti iyo saraakiil kale. Taliyaha ciidanka Booliiksa Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa dowladda Jabuuti uga mahadceliyay tababarrada ay u fidiso ciidamada booliiska Soomaaliya. Jeneraal Xaamud wuxuu kula dardaarmay ciidamadaasi iney shaqadooda ku dabaqaan aqoonta ay ka kororsadeen tababarka ay soo qaateen ugana faa’iideeyaan ciidamada kale een fursadda u helin tababarkan oo kale.

Ciidamada Ammaanka oo Howlgal ka sameeyey Suuqa Xoolaha

Ciidamada Ammaanka ayaa fiidkii 18kii Juun 2016 howlgal gaar ah ka sameeyay xaafadda Suuqa Xoolaha, halkaasoo ay ka soo qabteen horjoogayaal ka tirsanaa Al-Shabaab. Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/kaamil Macalin Shugri ayaa sheegay in howlgalka uu ka dambeeyay kaddib markii laamaha ammaanka ay heleen xogta rag bartilmaameed ahaa, isagoo xusay in markii dambe u suura gashay in gacanta lagu soo dhigo. Wuxuu intaasi ku daray in ciidamada ammaanka ka hor-tageen mooto Bajaaj lagu soo raray waxyaabaha qarxa, taasoo intii ay ceyrsanayeen Ciidamada ay ku qaraxday agagaarka Xero Jarmal ee waddada Warshadaha.

Dib u dhis lagu bilaabay Wadada Howlwadaag oo roobabku qasaare u geysteen

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dib u dhis ku bilaabay wadada Howlwadaag ee isku xirta Sayidka ilaa Bakaaraha kaddib markii qeybo ka mid ah ay bur buriyeen biyaha roobabkii ka da’ay magaaada Muqdisho. Waddadan oo dhawaan dib u dhis lagu sameeyay ayaa haddana roobabkii ugu dambeeyay waxyeello u geysteen qeybo ka mid ah waddadaasi, waxaana iminka socda dib u dhis kale oo lagu sameeynayo waddadaasi.

SONNA oo xafiis ka furatay degmada Kismaayo

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA ayaa xafiiskii ugu horeeyay oo ka baxsan magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya waxay ka furatay magaalada Kismaayo ee Xarunta gobalka Jubbada Hoose ee Dowlad Goboleedka Jubbaland. Xafiiskaan cusub ayaa si wadajir ah waxaa xariga kaga jaray Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Jubbaland Mudane Cabdinuur Cali Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Mudane Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi. Agaasimaha Guud ee Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliya ee SONNA Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala oo ka hadlay furitaanka Xafiiska cusub ayaa sheegay in howshaan waqti ay soosocotay laakiin 19kii Juun 2016 lagu guuleestay.

Suxufiyiin tababar loo fidiyey kor loogu qaadayo tayada warbaahinta

Tababarkan oo ay si wadajir ah u soo qabaqaabiyeen Xafiiska Shaqaalaha iyo Tababarada Wasaaradda Warfaafinta iyo Ururka Suxufiyiinta NUSOJ, ayaa loo qabtay Howladeenno ka kala socda Radio Muqdisho, SONNA, SNTV, Wargeyska Dalka iyo Idaacadda Radio Muqdisho ee Codka Ciidamada. Tababarka ayaa waxaa ka faa’ideystay 12 kamid ah shaqaalaha Warbaahinta Qaranka, iyagoo labaray Duruus la xiriirta Habka loo kala duwo Barnaamijyada Bisha Barakeysan Ee Ramadaan. Agasimaha Waaxda shaqaalaha iyo tababarada Wasaaradda Warfaafinta Mudane Cabdiraxiim Ciise Caddoow, ayaa sheegay in tababarkan uu daah fur u yahay siminaarro badan oo is daba jooga oo kor loogu qaadaayo tayada wariyeyaasha ka howl gala warbaahinta Qaranka. Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka Maahir Jaamac Aadan, ayaa Wasaaradda Warfaafinta ku ammaanay dhiirrigalinta iyo tababarada joogtada ee kor loogu qaadayo xirfadda wariyeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda warbaahinta qaranka oo ah tusaalaha Saxafiyiinta Soomaaliyeed ee ay ku daydaan.

Ciidamada NISA oo gacanta ku dhigay Gaari walxa Qarxa sida

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Soomaaliya ayaa 24kii Juun 2016 gacanta ku dhigay gaari Nuuca Kaarib ah oo lagu diyaarinayay walxaha Qarxa, kadib howlgallo ay ka sameeyeen qabuuraha Jeneraal Da’uud ee Degmada Warta Nabadda. Afhayeenka Maamulka Gobalka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa sheegay in wali ay baaritaan wadaan ciidamada, sidoo kalana la ogaanayo in ay jiraan walxo kale oo qarxa oo lagu diyaarinayay goobta laga qabtay gaariga. Ciidamada ayaa gudaha gaariga kasoo saaray Rasaasta Qoriga RPG-ga, Boolal iyo waxyaabo kale oo loo adeegsado Qaraxyada Baabuurta.

Dugsi Sare oo laga hirgeliyey deegaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud

Wasaaradda Waxbarashada Dawlad Goboleedka GalMudug ayaa gudiga waxbarashada deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ku wareejisay Iskuul sare oo dhismihiisa la soo gabangabeeyay. Agaasimaha guud ee Wasaarada Waxbarashada Galmudug, kormeerayaal ka tirsan Wasaarada, maamulka deegaanka Baxdo iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa ka qaybgalay munaasabadda wasaaraddu ku wareejinaysay dhismaha Iskuulkan sare oo ay maalgalisay USAID. Xasan Salaad Sabriye Xoghayaha arrimaha bulshada magaalada Baxdo ayaa sharaxaad ka bixiyay qaybaha Iskuulkan uu ka koobanyahay, kuwaas oo kala ah 4-fasal, 2-xafiis iyo 8-musqulood, dhul baaxad wayna oo uu ku fadhiyo. Dhismaha Iskuulka sare ee magaalada Baxdo ayaa ka mid ah mashaariicda hormarineed ee sanadkan hirgalay, kaas oo wax wayn ka taraya baahiyada waxbarasho ee deegaanka.

1 2 3 4 5 6 7

Previous Post

Dhageyso: Maamulka Degmadda Xudur oo sheegay in ay ka hortageen in Magaaladaasi ay go’doon gasho

Next Post

Qaban qaabo lagu soo xerayo shirka madasha wadatashiga qaran oo ka socota Baydhabo

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
11,500 Xujey Soomaali ah oo bilaabay gudashada waajibaadka Xajka 1446

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, iyo Taliyaha Ciidanka Booliiska Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi,...

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kooxda Xamaas ayaa ku dhawaaqday inay sii deyn doonto Edan Alexander, oo ah maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah, iyada oo tallaabadan lagu...

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

by Ilhaan
May 12, 2025
0

Kalfadhiga lixaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankiisa 11-aad, iyadoo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane...

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

by Liban
May 12, 2025
0

MOGADISHU, Somalia – A contingent of Somali pilgrims has arrived in the Kingdom of Saudi Arabia to perform the Hajj...

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
Warar

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
Caalamka

Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
Warar

Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences
English News

A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka
Warar

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Qatar kala hadlay xoojinta iskaashiga iyo taageerada Qorshaha Isbeddelka Qaranka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka
Warar

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda IMF oo ka shiraya horumarinta dhaqaalaha dalka

May 12, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliiska oo Soo Xiray Tababar Ciidamo Daraawiishta ah iyo Agab Ciidanka Lagu Wareejiyay
  • Xamaas oo shaacisay sababta ay u sii deynayso maxbuus Israa’iili-Ameerikaan ah
  • Golaha Shacabka oo bilaabay ka doodista heshiiska dhismaha Urur Goboleedka IGAD
  • A Sacred Arrival: Somali Pilgrims Reach Saudi Arabia as Hajj Season Commences

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00