• JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Wednesday, September 10, 2025
  • Login
Radio Dalsan
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
Play
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio
No Result
View All Result
Radio Dalsan
No Result
View All Result

Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Dalsan Editor by Dalsan Editor
May 14, 2016
in Warar
Reading Time: 13 mins read
A A
3
VIEWS
Share on FacebookShare on Twitter

Mogadishu, 14 May 2016 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Guddiga La-Dagaalanka Musuq-maasuqa, Ciidanka Dowladda oo la wareegey degaanka Mareerey, Howlgalo lagu dilay 15 Maleeshiyada Al-Shabaab ah, Dowladda Soomaaliya oo shaqo u abuureysa dhalinyarada, Ciidamada Talyaaniga ee Midowga Yurub oo gar-gaar gaarsiiyey xarumo caafimaad, Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo xilkii la wareegay, Wasaarada Caafimaadka oo deeq Daawo ah gaarsiisey Istbitaalka Gaalkacyo, Wasaarada Maaliyada oo qalab sahlaya maamulka Maaliyada ku wareejisey hay’adaha Dowladda Federaalka iyo Maleeshiyaad hore oo dhameystay barnaamij dhaqancelin ah.

Golaha Wasiirada oo ansixiyey Sharciga Guddiga La-Dagaalanka Musuq-maasuqa

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa shirkoodii 12kii May 2016 ku anxisiyey sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa-banaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa kaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Cadaaladda ee Xukuumada Soomaaliya. Dood dheer iyo falanqeyn ka dib, Golaha Wasiiradu waxey ansixiyeen sharciga lagu dhisayo Guddiga Madaxa-banaan ee La-dagaalanka Musuq-maasuqa dalka, tanoo wax weyn ka tari doonta in si deg-deg ah loo dhiso guddiga oo ku dadaali doona in la joojiyo musuq-maasuqa dalka ka jira.

Ciidanka Dowladda oo la wareegey degaanka Mareerey

Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya ciidanka AMISOM ayaa howalgalo balaaran oo ay ka wadeen Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa waxey ku guuleysteen in kooxaha Al-Shabaab laga saaro deegaanada Mareerey. Howlgaladaan ayaa waxaa barbar soda duqayn lagu garaacay fariisimo muhiim ah oo ay leeyihiin maleeshiyada Al-Shabaab kuwaas oo ku yaala deegaano hoos taga degmada Afgooye. Maamulka Gobalka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in ciidamada iskaashanaya ay la wareegeen deegaanka Mareerey sidoo kalana haatan ay kaabiga ku haayaan deegaano kale oo dhowr ah.

Howlgalo lagu dilay 15 Maleeshiyada Al-Shabaab ah

Howlgallo ay Ciidamada Xoogga Dalka oo kaashanaya ciidanka AMISOM ay ka sameeyeen deegaanka Ceel Timir ee duleedka Galcad ee hoostaga degmada Ceel Buur ee gobolka Galgaduud oo qiyaastii dhanka galbeed 15km ka xiga magaalada Galcad ayaa lagu dilay 15 ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ciidamada ayaa bur-buriyay fariisin ay maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deeeganka Ceel Timir, waxaana guddoomiyaha deegaanka Galcad Qadar Maxamed Cali uu sheegay in ciidamada ay weerarka ku dileen 15 oo labo ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaal, kuwaasi oo lagu magacaabi jiray, Axmed Ciid oo dhanka maaliyada u qaabilsanaa Shabaabka, Madaxa Amniyaadka Maxamed Cabdulaahi Gaafow iyo mid seddaxaad oo u qaabilsanaa miinooyinka iyo sameynta walxaha qarxa. Guddoomiyaha ayaa xusay inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya oo shaqo u abuureysa dhalinyarada

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda JFS Mudane Maxamed Aden Ibraahim Farkeeti ayaa 6dii May 2016 shaaca ka qaaday in dhowaan la bilaabayo mashruuc cusub oo uu maal galinayo Bangiga Horumarinta Afrika isla markaana shaqooyin loogu abuurayo dhalinyarada waxbaratay iyo kuwa xirfadleyda ah. Wasiirka ayaa sheegay in xiliyadii hore shaqo abuurka ay door muhiim ah ka qaadan jireen kaabayaasha dhaqaalaha sida Beeraha, Xoolaha, iyo Kaluumaysiga, iyo Warshado faro badan, kuwaas oo hadii aan dib loo soo celin kaabayaashii dhaqaalaha oo bur buray ay adag tahay in la helo shaqo ku filan dhalinyarada. Wasiirka Maaliyadda ayaa xusay in Wasaaradda Maaliyadu ay qaaday talaabooyinka si dhalinyaradu u helaan shaqooyin, isagoo caddeeyay in mudadii uu joogay Wasaaradda in uu ku guulaystay in Mushaar loo helo dhamaan shaqaalaha dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Ciidamada Talyaaniga ee Midowga Yurub oo gar-gaar gaarsiiyey xarumo caafimaad

Munaabad ay Ciidamada Talyaaniga oo qayb ka ah kuwa Midowga Yurub ee tababbarada siiya ciidanka xooggga dalka waxaa ay deeq isugu jirta qalab caafimaad, Buskut, cabitaan iyo kabo kala gaarsiiyey Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere iyo Xarunta Agoonta Gabdhaha ee Boondheere, waxaana halkaas hadalo ka jeediyey Xiriiryaha barnaamijka deeqaha ciidamada Talyaaniga Kabtan Mooge. Madaxa Xarunta Caafimaadka Hooyada iyo dhallaanka ee Degmada Boondheere Ruqiyo Maxamuud Afrax ayaa ka mahad celisey deeqda la soo gaarsiiyay, iyadoo tlmaamtay inay ku soo beegantay xilli ay u baahnaayeen. Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobolka Banaadir Jawaahir Baarqab ayaa tilmaantay in ay tahay kaalmadaan mid wax ku ool u ah bulshada Boondhere waxna u tari doonto. Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Haweenka Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa xustay in uu soo noqonayo xiriirka Talyaaniga iyo Soomaaliya, taasi oo tusaale u ah wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed. Cornel Bernado oo ah Madaxa Ciidamada Talyaaniga ayaa sheegay in aysan ahayn markii ugu horeysey oo ay deeq soo gaarsiiyaan degmada Boondheere, waxaana uu intaa raaciyay inay sii joogteynayaan wax u qabshada hooyada iyo dhallaanka. Guddoomiyaha Degmada Boondheere Qaasin Cabdulle Xasan ayaa xusay in xarunta ay dhistay dowladda Talyaaniga, markastana ay la garab taaganyihiin wax u qabashada bulshada, waxaana uu ka mahadceliyay deeqda ay soo gaarsiiyeen. Sidoo kale xarunta Agoonta Gabdhaha ee Degmada Boondheere ayaa iyana la gaarsiiyey Buskut, kabo iyo Cabitaano kale, iyadoo maamulaha Xaruntaasi Nuurta Maxamed Cadow ay ka mhad celisey Deeqda la soo gaarsiiyay oo ay sheegtay inaysan ahayn markii ugu horeysay oo dowladda Talyaaniga ay caawimaad u fidiyaan.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare oo xilkii la wareegay

Munaasabad uu xilka kula wareegayay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa 10kii May 2016 waxaa ka qeybgalay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cumar carte, Guddoomiyihi hore ee Maxkamadda sare, wasiiro, xildhibaanno, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, saraakiil ciidan iyo marti sharfaf kale. Wasiirka Cadaaladda ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilka-jiir) oo xaflada ka hadlayay ayaa sheegay inay tahay wax lagu farxo munaasabadda xil wareejinta ah. Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi (Ilka-Xanaf) ayaa sheegay in garsoorka dalka uu u baahanyahay madax banaani, isla markaana xilka uu yahay mid meerto ah. Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare ee dalka Mudane Ibraahim Iidle Suleymaan, ayaa sheegay in ay xoogga saarayaan kalsoonida bulshada Soomaaliyeed ee dhanka garsooka u soo celin lahaayeen, ayna kor u qaadayaan tayada howlwadeenada garsoorka. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dhibaatada dalka ka dhacday ay sabab u tahay cadaalad darro, loona baahanyahay in la horumariyo Arrimaha Cadaaladda.

Wasaarada Caafimaadka oo deeq Daawo ah gaarsiisey Istbitaalka Gaalkacyo

Wasaarada Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa 9kii May 2016 waxey deeq daawo ah ku wareejisay maamulka Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo. Dr. Cali Daahir Mire Cilmi oo ah Agaasimaha qeybta Daweeynta iyo Qalabeynta Wasaaradda Caafimaadka Galmudug oo sharaxaad ka bixiyay daawadan iyo qeybaha ay ka kooban tahay ayaa sheegay inay ku wareejiyeen deeq Daawo ah Isbitaalka Gaalkacyo. Daawadan oo ka kooban 18 kartoon oo ah daawada malaariyada ayaa loogu talo galaya in la gaarsiiyo Gurceel, Dhuusamareeb, Caabudwaaq, Balanbal iyo Cadaado. Agaasimaha Isbitaalka Koofurta Gaalkacyo Dr Maxamed Cabdi Axmed ayaa isna ka mahad celiyay daawadaan la soo gaarsiiyay waxaana uu sheegay in ay kusoo aadday xilli aad loogu baahnaa.

Wasaarada Maaliyada oo qalab sahlaya maamulka Maaliyada ku wareejisey hay’adaha Dowladda Federaalka

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aden Ibraahim Ferkeeti ayaa 8dii May 2016 ku wareejiyey qalab ka kooban Kombuyuutaro, Laabtoobyo, Birintiro iyo Footokoobiyo hay’adaha dowladda. Qalabkan ayaa loo isticmaalayaa nidaamka cusub ee Financial Management Information System (FMIS) oo lagula soconaya dakhliga u soo xarooda dowladda, nidaamkaan oo la hirgaliyey sanadkii la soo dhaafay balse hada si toos ah loogu xiray dhamaan hay’adaha kala duwan ee dowladda. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in qalbkaan ay wasaaradu ugu tala gashay in la balaariyo hufnaanta maamulka maaliyadda dalka iyo isla xisaabtanka, loona fududeeyo qoondooyinka miisaaniyadeed ee hay’aduhu ka soo dalbanayaan Wasaarada Maaliyadda. Waxaa qalabkan ka fa’iidaysanaya 57 hay’adood waxaana loo isticmaalayaa in hay’ad kasta ay xafiiskeeda ka soo dalbato wiixi la xariira meel marinta miisaaniyadeeda, kulana socoto kharashaadkeeda, wixii xog ahna ay la wadaagi karto Wasaaradda Maaliyadda si toos ah. Qalabkan wuxuu sidoo kale suurta galinayaa in si fudud loo diyaariyo warbixinada maaliyadda, hadii ay ahaan lahayd mid maalinle ah, Usbuucle, Bile, ama Sadex biloodle. Islamarkaasna wuxuu fududaynayaa raad raaca dhanka isla xisaabtanka iyo hanti dhowrista.

Maleeshiyaad hore oo dhameystay barnaamij dhaqancelin ah

Maleeshiyaad horay uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa ka Qalin-jabiyay xarunta Dhaqan-celinta Baydhaba ee Dowlad Goboleedka Koofur-Galbeed Soomaaliya, kadib markii ay dhameysteen barnaamij dhaqan-celin ah oo aad u adag. Dhallinyarada dhaqancelinta loo sammeeyay ayaa isugu jira 20 Rag ah iyo 19 Haween ah, kuwaas oo inta ay Xarunta Dhaqan-celinta Baydhaba ku jireen qaatay Tababarro Farsamada gacanta ah iyo Tallooyin la xiriira Cilmu-nafsiga, kaasoo lugu fuliyay Maal-gelin ka timid Dowladda Jarmalka. Sanduuqa Hawl-galka Qaramada Midoobey ee Taakuleynta Somalia, UNSOM ayaa gacan ka geystay taabo-galinta hoy-nabdoon oo loogu talo-galay in lagu dhaqan-celiyo Haweenka horay uga tirsanaa Al-shabaab oo laga Hir-geliyey Baydhaba. Labadan Mashruuc, waxaa fuliyay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Middan waa munaasabadii labaad ee ay ku qalin-jabiyaan Maleeshiyaad Al-Shabaab horay uga tirsanaa tan iyo markii xaruntan laga hir-galiyay Degmada Baydhaba.

weekly
Weekly3
weekly1
3
w1
w

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

Previous Post

Ciidamada dowlada oo la wareegay degmada Aadan yabaal ee gobolka Sh/Dhexe

Next Post

Ciidamada Koonfur Galbeed oo toogtay Sarkaal ka tirsan Al Shabab

Dalsan Editor

Dalsan Editor

Related Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo doceedyo la qaatay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo doceedyo la qaatay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya

September 9, 2025
MW Xasan Sheekh: Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya oo maraya heerkii ugu dambeeyay
Warar

MW Xasan Sheekh: Dhismaha Hay’adda Saadaasha Hawada Soomaaliya oo maraya heerkii ugu dambeeyay

September 9, 2025
Munaasabad lagu taageeray furitaanka biyo-xidheenka Itoobiya oo ka dhacday Garowe:
Warar

Munaasabad lagu taageeray furitaanka biyo-xidheenka Itoobiya oo ka dhacday Garowe:

September 8, 2025
Puntland oo beenisay eedeymo la xiriira dil ka dhacay Hargeysa
Warar

Puntland oo beenisay eedeymo la xiriira dil ka dhacay Hargeysa

September 7, 2025
Mas’uuliyiinta Mandheera oo ka digay joogitaanka ciidamada Jubaland ee magaalada
Warar

Mas’uuliyiinta Mandheera oo ka digay joogitaanka ciidamada Jubaland ee magaalada

September 3, 2025
“DFS oo Shaacisay Dilka Horjoogaha Al-Shabaab ee Hiiraan”
Warar

“DFS oo Shaacisay Dilka Horjoogaha Al-Shabaab ee Hiiraan”

September 3, 2025
Next Post

Ciidamada Koonfur Galbeed oo toogtay Sarkaal ka tirsan Al Shabab

Qatar Condemns Israeli Strike That Killed Senior Hamas Leaders in Doha

Qatar Condemns Israeli Strike That Killed Senior Hamas Leaders in Doha

by Liban
September 9, 2025
0

Qatar has strongly condemned an Israeli airstrike carried out in its capital, Doha, that targeted senior Hamas leaders, killing at...

Explosions Rock Doha as Israel Targets Senior Hamas Leaders

Explosions Rock Doha as Israel Targets Senior Hamas Leaders

by Liban
September 9, 2025
0

Multiple explosions shook Doha, the capital of Qatar, on Tuesday evening in what preliminary reports describe as Israeli airstrikes targeting...

Somalia, Kenya, and Djibouti Hold Talks on Joint Fight Against al-Shabaab

Somalia, Kenya, and Djibouti Hold Talks on Joint Fight Against al-Shabaab

by Liban
September 9, 2025
0

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud held high-level side meetings with his counterparts from Kenya and Djibouti during the 2nd Africa...

Somali President Backs Ethiopia’s Right to Utilize Nile Waters and Complete GERD

Somali President Backs Ethiopia’s Right to Utilize Nile Waters and Complete GERD

by Liban
September 9, 2025
0

Somalia’s President Hassan Sheikh Mohamud has openly expressed support for Ethiopia’s right to harness the Nile River and to proceed...

Qatar Condemns Israeli Strike That Killed Senior Hamas Leaders in Doha
English News

Qatar Condemns Israeli Strike That Killed Senior Hamas Leaders in Doha

September 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Explosions Rock Doha as Israel Targets Senior Hamas Leaders
English News

Explosions Rock Doha as Israel Targets Senior Hamas Leaders

September 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somalia, Kenya, and Djibouti Hold Talks on Joint Fight Against al-Shabaab
English News

Somalia, Kenya, and Djibouti Hold Talks on Joint Fight Against al-Shabaab

September 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Somali President Backs Ethiopia’s Right to Utilize Nile Waters and Complete GERD
English News

Somali President Backs Ethiopia’s Right to Utilize Nile Waters and Complete GERD

September 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Puntland Security Forces Arrest ISIS Fighters Attempting to Enter Bosaso
English News

Puntland Security Forces Arrest ISIS Fighters Attempting to Enter Bosaso

September 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo doceedyo la qaatay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya
Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo doceedyo la qaatay Madaxweynayaasha Jabuuti iyo Kenya

September 9, 2025
Play
  • Add to Queue
  • Share
    Facebook Twitter
Facebook Twitter

About

Radio Dalsan

Radio Station

Radio Dalsan was established in April 2012 in Mogadishu, Somalia with FM frequency 91.5MHz . The radio is registered with the federal ministry of information in Somalia. Dalsan is an independent and autonomous FM Radio station. The radio broadcasts for 18 hours in Somalia and also the Radio is on satellite broadcasting to Africa and Asia.

Follow us

Categories

  • Africa
  • Barnaamijyada
  • Bilan Media
  • Caafimaadka
  • Caalamka
  • Diini
  • English News
  • Maqal
  • Muuqaal
  • Opinion
  • Podcast
  • Warar
  • WARARKA AF INGIRIISIGA
  • Wararka Idaacadda
  • Wareegga Wararka
  • Wareysiyada
  • World News
  • Xulashada Ciyaaraha
  • Xulasho
  • XULKA WARARKA

Recent Posts

  • Qatar Condemns Israeli Strike That Killed Senior Hamas Leaders in Doha
  • Explosions Rock Doha as Israel Targets Senior Hamas Leaders
  • Somalia, Kenya, and Djibouti Hold Talks on Joint Fight Against al-Shabaab
  • Somali President Backs Ethiopia’s Right to Utilize Nile Waters and Complete GERD

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In
No Result
View All Result
    • JOBS
  • WARAR
  • Bilan Media
  • English News
  • Radio

© 2024 Radio Dalsan - Allrights reserved.

-
00:00
00:00

Queue

Update Required Flash plugin
-
00:00
00:00