Waxqabadka Dawladda ee isbuucii la soo dhaafay

Mogadishu, 12 December 2015 –

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka warbixiyey horumarka Dowladda ee usbuucii la soo dhaafay.

Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid yihiin; Xarunta Wasaaradda Batroolka oo la daahfuray, isla markaana Soma Oil & Gas lagala wareegay Xogta baarista Shidaal, Dowladda oo cusbooneysiisay Heshiiska WFP, Wasaaradda Boosta & Isgaarsiinta oo heshiis la saxiixatay Bankiga Horumarinta Afrika, Shirka Madasha Heerka Sare oo Muqdisho lagu qabtay, Xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo la dhaariyey, Horjooge Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Dowladda, Xarunta Keyda Dhexe ee Shidaalka oo la daahfuray, Dowladda oo fulineysa mashruuc Indha fiiqis bilaash ah, Wasaaradda Caafimaadka oo Puntland ku wareejisey Deeq Daawo ah, Ciidanka oo Afgooye ka sameeyey Howlgalo iyo Dowladda oo Xoojineysa Waxqabadka Hay’adaha iyo Hufnaanta Maaliyadeed.

Xarunta Wasaaradda Batroolka oo la daahfuray, isla markaana Soma Oil & Gas lagala wareegay Xogta baarista Shidaal

Waxaa 9kii December 2015 la qabtay xaflad lagu daah furey xarunta cusub ee Wasaaradda Batroolka & Macdanta, isla markaana Wasaaraddu kula soo wareegtay xog farsamo oo la xiriirta baarista shidaal oo ay aruurisay Soma Oil & Gas. Markii ugu horeysay muddo 25 sano, Wasaaradda waxa ay awoodii doontaa in ay hesho xarun ayada u gooni ah. Dhismahaan wuxuu ka koobnaan doona: qeebta sheebaradda, qeebta keydinta macluumadka iyo xafiisyada shaqaalaha oo dhan iyo howl wadayaasha. Isla munaasabaddaas, shirkadda Soma Oil & Gas waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed (DFS) ku soo wareejisay xog macluumaad shidaal oo eey ka soo aruurisay qeeb ka mid ah badda fog ee Soomaaliya. Xogta la soo wareejiyay waxa ay ka dhalatay xog uruurintii la sameeyay 2014 taas oo ku saleysan heshiiska u dhaxeeya DFS iyo Soma Oil & Gas. Kaalmada dhaqaale oo ay Soma Oil & Gas ka geysatay sameynta Qolka Keeyda Xogta iyo wada shaqeynta sokeye ee ka dhaxeeysa Spectrum, oo suuq geyneeysa xogta, iyo Wasaaradda waxa ay muujinaysaa faa’idda wada shaqeynta leedahay. Waxaan ku qanacsanahay in xogtani muujin doonto fursadaha fiican ee ka jira “badda fog” (Offshore) ee Soomaaliya.”

Dowladda oo cusbooneysiisay Heshiiska WFP

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa 9kii December 2015 si rasmi ah u cusbooneysiisay heshiis ay hey’adda WFP uga howlgaleyso Soomaaliya kadib markii uu idlaaday waqtiga heshiiskii hore. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Mudane Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo Wakiilka WFP Somalia Mr. Laurent Bukera ayaa heshiiskaasi ku kala saxiixday Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho, halkaasoo ay goob joog ka ahaayeen Garyaqaanka guud ee dowladda Dr. Cismsan Cilmi Guuleed, Xoghayaha joogtada Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cali iyo mas’uuliyiin kale. Heshiiskan ayaa xoojinaya dadaalada hey’adda WFP ay uga hortageyso xaaladaha beni’aadanimo ee kala duwan ee mararka qaar la soo gudboonaada dadka iyo duunyada ku kala nool Koonfurta iyo Waqooyiga Soomaaliya

Wasaaradda Boosta & Isgaarsiinta oo heshiis la saxiixatay Bankiga Horumarinta Afrika

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta mudane Jamaal Xasan Ismaaciil oo ay wehelinayaan Agaasimaha Guud ee wasaaradda Mudane Axmed Xaaji Cabdi iyo saraakiil ka kala socda Wasaaradda Maaliyadda iyo Xafiiska Ra’isul Wasaaraha ayaa magaalada Nairobi heshiis kula saxiixdey Bankiga Hormarinta Afrika. Heshiiskan ay wasaaraddu la gashay Bankiga Hormarinta Afrika ayaa kusaabsan sidii ay wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiintu kor ugu qaadi lahayd awooddeeda farsamo isla markaana u hormarin laheyd adeegga Isgaarsiinta guud ahaan dalka oo dhan. Heshiiskan oo uu dhanka wasaaradda u saxiixay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda ayaa ku kacaya $139 Milyan oo ah caawimaad uu Bankiga Hormarinta Afrika ku tala jiro in lagu caawiyo dawladda Soomaaliya sidii ay isku filaansho uga gaari lahayd dhanka isgaarsiinta. Madaxa Hormarinta Isgaarsiinta ee bangiga Hormarinta Afrika Mr. Nicholos Williams oo u saxiixay heshiiska dhanka Bankiga ayaa sheegey inuu ku faraxsan yahay iney dawladda Soomaaliya ka caawiyaan hormarinta dhanka Isgaarsiinta waxuuna sheegey in kaalmadan ay qayb ka tahay mashaariicda uu bankigu ugu tala galay waddamada Afrika gaar ahaan kuwa ka soo kabanaya dhibaatooyinka.

Shirka Madasha Heerka Sare oo Muqdisho lagu qabtay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 8dii December 2015 Muqdisho ku soo gabagabeeyay shirka Madasha Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya. Shirkan ayaa lagu qiimeynayey waxyaabihii qabsoomay lixdii bilood ee la soo dhaafey, tan iyo markii uu qabsoomay Shirkii Lixaad ee Heerka Sare ee Waddamada iyo Hay’adaha Iskaashiga la leh Soomaaliya (High Level Partners Forum bishii July ee sannadkan 2015-ka. Madashan ayaa noqoneysa tii ugu horeysey ee ay ka soo wada qeyb galaan dhammaan madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada dalka ka jira. Waxaa madasha looga munaaqishooday arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarka laga sameeyay barnaamijyada kale ee la xiriira Hiigsiga Cusub (New Deal). Waxaa shirka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta fulinta barnaamijka Guulwade, hirgelinta barnaamijka Heegan, is-waafajinta labada barnaamij ee Guulwade iyo Heegan, iyo weliba xoojinta hawlgallada milatariga ee dalka ka socda. Shirka waxaa ka soo qeybgaley Guddoomiyaha Baarlamanka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Xubnaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo la dhaariyey

Golaha Baarlamaanka Koofur-Galbeed ayaa 8dii December 2015 lagu dhaariyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, ayadoo ay munaasabadda dhaarinta ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha Koofur-Galbeed. Xildhibaano gaaraya 89 mudane ayaa la dhaariyay, Waxaa wali dhimman xildhibaano kale oo dib laga dhaarin doono. Dastuurka Koofur Galbeed wuxuu qorayaa in tirada xildhibaannada maamulku ay noqonayaan 95 mudane. Odayaasha dhaqanka ee gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ayaa soo gudbiyay liiska xildhibaannadan la dhaariyay.

Horjooge Al-Shabaab oo isu soo dhiibay ciidanka Dowladda

Wasiirka Wasaaradda Gaashandhiga Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini ayaa sheegay in nin u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabo Abdimalik John kana tirsanaa Horjoogayaasha argagixisada Al-Shabaab uu 6dii December 2015 isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose. Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hambalyo iyo bogaadin u soo jeediyay Ciidanka Xoogga Dalka ee badbaadiyay ajnabiga isu soo dhiibay, waxaana uu xusay in dadka kale ee ay qaldeen Shabaabku heystaan fursad ay gacanta dowladda isugu soo dhiibi karaan. Wasiirka Difaaca ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in Shabaabku ay ku kala qeybsadeen fikirka xagjirka ah ee ay ku doonayeen inay ku marin habaabiyaan bulshada, ayna iminka kala sheegtaan inay u kala qeyb sameen ISIS iyo Al-qaacidda, waxaana uu baaq u diray dhallinyarada ay marin habaabiyeen in ay isaga baxaan fikirka qaldan ee ay dadka ku marin habaabinayaan.

Xarunta Keyda Dhexe ee Shidaalka oo la daahfuray

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 7dii December 2015 si rasmi ah Muqdisho uga furey Xarunta Keydka Dhexe ee Shidaalka oo ay hirgeliyeen ganacsato Soomaaliyeed. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in mid ka mid ah kaabeyaashii dhaqaalaha ee dagaalka sokeeye ku burburey maanta dib loo unkay. Shirkadda Somali Fuel Company ee mashruucan hirgelisayna ayaa fulisay baaqii Madaxweynaha ee ahaa DALKAAGA DHISO. Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu ay dhiirigelinayso ganacsiga xorta ah, ayna ugu baaqeyso Soomaalida inay horseed ka noqdaan maalgashiga lagu sameynayo waddankooda, si ay horumar u gaaraan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn ugu baaqey hay’adaha dowliga ee ku shaqada leh in la dardar-geliyo la socodka tayada badeecadaha kala duwan ee suuqyadeena lagu iibiyo. Munaasabaddan ayaa waxaa ka soo qeybgaley hadalona ka jeediyay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole, iyo madaxda shirkadda Somali Fuel Company.

Dowladda oo fulineysa mashruuc Indha fiiqis bilaash ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed ayaa sheegtay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay mashruuc dadka Soomaaliyed ee aragga la’ indhaha loogu fiiqiyo. Wasiiradda ayaa sheegtay in wasaaraddu ay diyaarisay dhaqaatiir si bilaash ah dadka indhaha ugu fiiqaya, taas oo ay dadku ka wada faa’iideysan karaan. “Qof walba oo u baahan indhaha in loo fiiqo ha yimaado wasaaradda caafimaadka, waxaan siinayaa warqad waxaana u direynaa meeshii loogu fiiqi lahaa” ayay tiri Wasiiradu. Wasiirka ayaa sheegay in mashruucaan uu sii socon doono, oo looga faa’iideyn doono dadka Soomaaliyeed ee aragga la’, si gaar ah waxaa mahsruucaan uga faa’iideysan kara dadka waayeelka ah. “Haddii qof aan noo imaan Karin uu jiro, noo soo sheega waxaan ugu tagaynaa goobtiisa oo aan ugu fiiqeynaa indhaha” ayay sii raacisay.

Wasaaradda Caafimaadka oo Puntland ku wareejisey Deeq Daawo ah

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa Puntland ku wareejisay deeq dawo ah oo ay dowladda Dhexe ka heshay boqortooyada Sacuudiga, taas oo loo qeybinayay muddooyinkii dambe dhammaan gobollada dalka. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Cusmaan Maxamed Daalo, ayaa sheegay in daawadaan loogu talo galay in ay ka faa’iideystaan shacabka dalka ku nool, ayadoo loo sii marsiinayo maamullada dalka. Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay ainay Puntland siinayaan qeybtii ay ku lahaayeen deeqdii daawo ee Wasaaradu ka heshay Sacuudiga, iyagoo qaadanaya xilli ay shacabku u baahan yihiin, meelaha qaar waxaa laga soo sheegayaa shuban, waxuuna sheegay inay rajaynayaan in si wanaagsan looga faa’iideysan doono.

Ciidanka oo Afgooye ka sameeyey Howlgalo

Ciidamda sida gaarka ah u tababaran ee booliska ayaa 5tii December 2015 howlgallo ka sameeyey xaafado ka tirsan degmada Afgooye oo ay ku bartilmaameedsanayeen guryo qaar ah, kuwaasi oo ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana maleegayay falal ka dhan ah amniga. Ciidamada ayaa intii ay ku guda jireen howlgalka waxa ay ku soo qabteen saddex ruux oo lala xiriirinayo inay ka tirsanyihiin argagixisada Al-Shabaab iyo waxyaabo kale, kuwaasi oo iminka ay ku socoto howlo baaritaanno ah. Howlgalka ciidamada booliska ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ah mid looga gol-leeyahay sidii loo xoojin lahaa amniga degmada, isla markaana looga hortagi lahaa cidkasta oo amniga wax u dhimeysa.

Dowladda oo Xoojineysa Waxqabadka Hay’adaha iyo Hufnaanta Maaliyadeed

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa 9kii December 2015 furay shir laba maalmood ah oo ku saabsan xoojinta waxqabadka hay’adaha iyo hufnaanta maaliyadeed ee dalka. Madaxweynaha sheegay inay muhimad gaar ah leedahay in si hufan loo dhiso hay’adaha, isla xisaabtanna uu jiro, arinkaas oo uu sheegay inay sal u tahay in dhidibada loo taago hannaan dowladeed oo mustaqbalka waxtar u leh Soomaaliya.Waxaa uu Madaxweynaha sheegay inay jiraan caqabado isku wada xiran oo u baahan in xal guud loo helo, isagoo tusaale u soo qaatey sida ay mar walba isugu xiran yihiin horumarka, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in si dhaqaalaha horey loogu mariyo ay lagama maarmaan tahay in la kobciyo kaabeyaasha dhaqaalaha, lana taageero qeybaha kala duwan ee bulshada ee ku hawlan ganacsiga, beeraha, kalluumeysiga iyo adeegyada kale ee wax soo saarka dalka. Waxaa uu intaa ku darey in muhiim ay tahay in dhalinyarada loo abuuro fursado shaqo iyo barashada xirfado kala duwan, isagoo dhanka kalena xusay in qoriga caarraddiisa oo qura aanu xal u ahayn dhibaatooyinka dhinaca amniga. Madaxweynaha ka hor waxaa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, Mr Nicholas Kay, Wakiilka Bnkiga Adduunka ee Soomaaliya, Hugh Riddle, madaxda hay’adaha HESPI iyo ASAL ee soo abaabulay shirkan.

WQ 1 WQ 4 WQ 5 WQ2 WQ11 WQ10 WQ6 WQ3 WQ9 WQ8 WQ7

DHAMAAD
Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska, [email protected]

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor