Wasiiru dowle ka tirsanaa Xukuumadda RW Kheyre oo Is Casilay

Wasiiru dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud Xukumadda Soomaaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-qoor) ayaa Goordhow ku dhawaaqay inuu iska Casilay xilkii uu ka haayay Xukuumadda.

Axmed Cabdi Qoor-qoor oo Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa sababta uu isku Casilay ku sheegay inuu yahay Musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug.

Musharax Qoor-qoor ayaa u mahadceliyay Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoona sheegay inuu ku faraxsan yahay mudadii saddexda sanno aheyn ee uu lasoo shaqeeyay.

Musharax Qoorqoor oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug  ayaa waxaa la sheegay inuu yahay Musharax ay sigaar ah u taageereyso dowladda Federaalka Soomaaliya.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media