Wasiiru-dowlaha Cusub ee Madaxtooyada oo si rasmi ah Xilka ula wareegay

Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Abshir Maxamed Axmed ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiiru-dowlihii hore Xasan Macallin Khaliif, munaasabad ku qabsoontay Villa Soomaaliya.

Wasiir Abshir Bukhaari ayaa soo bandhigay qorsheyaasha ku aaddan horumarinta howlaha hortabinta u leh Madaxtooyada Qaranka, isaga oo uga mahad-celiyey Wasiir Xasan Khaliif shaqadii wanaagsanayd ee uu ka soo qabtay Madaxtooyada, muddadii uu hayey xilkaas.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa ka codsaday Agaasinka, howl-wadeennada Madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee Dowladda in ay ku garab istaagaan Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada gudashada masuuliyadda loo igmaday, waxa uuna xusay aqoonta iyo khibradda Wasiir Abshir Bukhaari uu u leeyahay hannaanka shaqo iyo shaqaale ee Madaxtooyada.

Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac oo xilka u kala wareejiyey Labada Wasiir ayaa u rajeeyey Wasiir Abshir Maxamed Axmed in Alle uu u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda Qaran ee loo igmaday, isagoo soo bandhigay muhiimadda xoojinta wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

Munaasabaddan ay xilka kula kala wareegayeen Wasiiru-dowlaha cusub ee Madaxtooyada Qaranka Mudane Abshir Maxamed Axmed iyo Wasiiru-dowlihii hore Mudane Xasan Macallin Khaliif ayaa waxaa goob joog ka ahaa La-taliyeyaasha Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, Agaasime Kuxigeenka Madaxtooyada Qaranka Mudane Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Agaasime Waaxeedyada Madaxtooyada iyo hawl-wadeenno ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor