Wasiiro ka qeyb galay Munaasabad lagu xusayey Maalinta Qaran ee Qaxootiga soo noqonaya

Maalinta Qaran ee qaxootiga soo noqonaya iyo barakacayaasha ayaa lagu iclaamiyey shirkii Qaxootiga Qaranka ee dhacay sanadkii 2017-kii waxaana sanad kadib munaasabadan looga hadlay marxaladda xiligan ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha Soomaaliyeed ee dib uga soo laabtay dalal ay kamid yihiin Kenya, Yemen iyo Jabuuti sida uu sheegay Mudane Axmed C/kariin Nuur Guddoomiyaha Guddiga Qaran ee Qaxootiga iyo Barakacayaasha.

“Shirkii dhacay 30-kii bishii Augost ayaa lagu iclaamiyey maalintaan, waxaana loogu talo galay bal inaan la iloobin xaaladda Qaxootiga iyo Barakacayaasha”ayuu yiri guddoomiyaha

Luul Muuse Ismaaciil oo madax u ah qaxootiga kasoo laabtay dalka Yemen ayaa sheegtay in wali ay jiraan duruufo guud ahaan ay dareemayaan Qaxootigii dalka dib ugu soo laabtay.

Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan iyo wasiir ku xigeenka Gargaarka Xildhibaan C/rashiid Maxamuud Xasan ayaa madasha ka sheegay in aan la ilaawin xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha soo laabtay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in dowladdu ay ka war qabto xaaladda dadkan, islamarkaana la wado qorshihii wax loogu qaban lahaa.

“Dowladdu waxey wadaa qorshihii dadkaan wax loogu qaban lahaa, runtii lama iloobin xaaladooda lkn wali dadaalkii ayan wadnaa”ayuu yiri wasiirka Arrimaha Gudaha

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor