Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda ee dalka Portuqiiska oo rajo ka qaba inuu noqdo Xoghayaha Guud ee QM.

Cod-bixin ay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM shalay si qarsoodi ah u dhiibteen ayaa muujinaysa in Antonio Guteres oo u dhashay dalka Portuqiiska uu kaalinta koowaad kaga jiro codbixinta lagu dooranayo Xoghayaha Guud ee QM.

Wakaalladda Wararka REUTERS oo aragtay Natiijadda Codbixinta ayaa lagu xusay inuu Kaalinta Labaad ku jiro Madaxynihii hore ee dalka Islofeeniya, Daniilo Turk.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESKO, Irina Bokofo oo u dhalatay dalka Bulgaria ayaa Kaalinta 3aad kaga jirya Musharixiinta Xilka Xoghayaha Guud ee QM.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor