Wasiirkii hore ee Arrimaha bulshada Puntland oo geeriyooday iyo Deni oo ka hadlay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland  Siciid Cabdullahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan shacabka Puntland iyo kan Dowladdaba waxa uu ka tacsiyaynayaa geerida Alle naxariistii Janno haka waraabiyee Wasiirkii ugu horeeyay ee Arrimaha Bulshada Puntland Dr. Yaasiin Faarax Cartan Beeldaaje.

Dr. Yaasiin Faarax Cartan ayaa kasoo shaqeeyay dhismaha Dowladdnimada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland, isagoo ka mid noqday Sagaalkii Wasiir ee lagu aasaasay Puntland, sidoo kale wuxuu isu sharaxay xilka Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland waxa uu tiiraanyada geerida Wasiirka la wadaagayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuumku, waxa uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro , Jannatul  fardawsana ka waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo eheladiisii.

Marxuum Dr Yaasiin Cartan, ayaa sidoo kale haatan ka tirsanaa guddi u xil-saaran Dib u-dhiska wadada Boosaaso iyo Qandala, taas oo weli hawsheedu socoto.

Comments
Loading...