Wasiirkii Dekedaha ee Xukuumadda Federalka oo geeriyooday.

Allaha U Naxariistee Marxuum Nuur Faarax Xersi Warfaa oo ahaa Wasiirkii Dekeddaha ee Xukuumaddii RW Cumar C/rashiid ee aan weli xilka wareejinin ayaa xalay ku geeriyooday Isbitaalka Erdogan (Ex-Digfeer) ee magaalladdan Muqdisho

Qaar ka mid ah Xildhibaanadda iyo Ehelkiisa ayaa sheegay inuu Marxuumku waayadan xanuunsanaa, laguna daaweynayey Isbitaalka Erdogan.

Marxuumka oo ka soo jeeda Gobalka Togdheer ee W/Galbeed Somalia waxa uu horey u soo qabtay Xilal ay ka mid yihiin Danjirihii Somalia uga wakiilka ahaa dalka Malaysia iyo Guddoomiyihii Urur-siyaasadeedkii Gurmad ee ka dhisnaa Maamulka Somaliland.

Marxuum Nuur Faarax Xersi Warfaa ayaa la filayaa in lagu aaso magaalladda Muqdisho, waxaana socda qabanqaabadad Aaskiisa.

©Radio Dalsan

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media