Wasiirkii Arrimaha gudaha dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) ayaa ka hor yimdi xilka qaadistii galabta uu ku sameeyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.
Cabdi Waayeel oo wareysi siiyay Telefashinka Dalsan ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug uusan sharci u laheyn xilka qaadis inuu sameeyo, balse uu awood u leeyahay kaliya shaqo joojin.
Wasiirkii Arrimaha Maamulka ayaa sharci darro ku tilmaamay wareegtada kasoo baxay Xafiiska Cali Daahir Ciid ee xilka looga qaaday isaga, isla markaana waxaa uu beeniyay eeda loo jeediyay oo la xiriirtay dhismaha golaha deegaanka Balanbale.
Waxaa uu sheegay Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel) in dhismaha golaha deegaanka Balanbale ay ku shaqo leedahay Wasaaradda Arrimaha gudaha Galmudug, ayna wax dhibaato ah ka jirin xuslista xubnaha deegaanka.
Sidoo kale waxaa uu Carabka ku dhiftay inay jiraan beelo uu sheegay inay cabasho aan sal laheyn ka qabaan qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay, wuxuuna sheegay in nidaan sharci ah ay u mareen dhismaha Golaha deegaanka Balanbale.
Si kastaba Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xilka qaadis ku sameeyay Wasiirkii Arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Waayeel, waxaana xilka qaadistiisa ay daba socotaa xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay.