Wasiirka Warfaafinta Somalia oo Nimcaan-Hilaac u Magacaabay xil muhiim ah

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa Fanaanka Caanka ah ee gayiga Soomaaliyeed siweyn loogu yaqaano ee Nimcaan-Hilaac u magacaabay Agaasime.

Wareegto ka soo baxaday Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa Nimcaan Cabdiraxmaan Xasan (Nimcaan-Hilaac) loogu magacaabay in uu noqdo Agaasimaha Waxsoo-saarka iyo Howlgelinta Hobolada Waaberi.

Nimcaan-Hilaac ayaa waxaa uu kamid yahay Fanaaniinta dhalinyarada ah,kuwaasi oo sanadihii u dambeeyay siweyn Fanka Soomaaliyeed looga yaqaanay,isla markaana waxaa uu soo qaaday heeso kala duwan oo u badan Jaceel.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media